“Madaxweynaha Somaliland Baarlamaankii ayuu la Qadeeyay halka madaxweyne Farmaajo ay isaga ridayaan baarlamaankiisu”…

0
1189

Burco (Hargeisa Press.com)- Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi (bidhi), oo ka tirsan golaha degaanka Burco ayaa madaxweynaha Somaliland ku bogaadiyay kulankii Qaddada ahaa ee uu la yeeshay golaha Wakiiladda iyo sidoo kale shirkii lagaga wada tashanayay arrimaha doorashooyinka.

Tallaabadaasi oo uu ku tilmaamay mid guul u ah Somaliland, isla markaana ka nixisay cadowga jamhuuriyadda Somaliland.

Xildhibaan Bidhi, oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa is bar-bar dhig ku sameeyay kulankii madaxweynaha Muuse Biixi la yeeshay xildhibaanadda golaha Wakiiladda iyo xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee u dhaxaysa madaxweynaha dawladda Xamar iyo baarlamaankiisa.

Waxaanu sheegay in halka madaxweynaha Somaliland uu la qadeeyay 82-ka xildhibaan ee Wakiiladda oo 3da xisbi ka kala tirsan, taa bedelkeedda madaxweyne Farjaamaha Soomaaliya ay baarlamaankiisii isag ridayaan.

Halkan Ka Daawo Hadalka Xildhibaan Bidhi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY