Madaxweynaha Somalia oo Qiray in Caalamku ka Shakisan yahay Soomaaliya

0
768

MUQDISHO, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa qiray in caalamku uu shaki weyn ka qabo Somalia, taasoo uu sheegay inay ugu wacan tahay dhaqanka Soomaalida lagu bartay ee ah musuqmaasuqa iyo boobka.

Xasan Sheekh ayaa hadalkan ku sheegay khudbad uu ka jeediyay shir lagu qabtay xarunta maamulka gobolka Banaadir ee degmada Huriwaa habeennimadii xalay, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay inay isku tashadaan oo dunida la tuso inaan wax-qabsan karno.

“Haddaan Soomaali nahay fursado badan oo caalamku noogu hiilliyay ayaan iska luminnay oo aan ka faa’iideysan waynay, waana cillaad aan leennahay, balse wax ka barasho ayay leedahay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu xusay in Soomaalida looga baahan yahay inay dib u soo celiso kalsoonidii Beesha Caalamka, isagoona intaas raaciyay in kalsoonidu ay kusoo noqon karto oo keliya Soomaalida oo isku tashada wax-qabad muuqdana la yimaada.

“Maanta waxaa nagala rabaa yahay inaan isku tiirsanaanno oo aan caalamka ku qancinnno inaan wax-qabsan karo, haddii aan caalamka tusno inaan nahay dad wax-qabasan kara wax-buu noogu darayaa, laakiin inta caalamku qabo shakiga ah inaan nahay dad ku caan-baxay musuqmaasuq, wax kala boob, iskuulkii naloo dhiso inaan bililiqeynayno, ceelkii naloo qodo inay geelleydu isku dilayaan iyo waddo haddii naloo dhiso inay qolo isbaaro dhigtaan oo ay balaayo ka dhacdaa, inta shakigaas jiro kor ayaa nalaga eeg-eegayaa,” ayuu hadalkiisa ku daray madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn, madaxweynaha ayaa hadalkiisa kusoo gaba-gabeeya in shacabka loo baahan yahay inay muujiyaan cudud mid ah oo ay caalamka ku tusayaan inay yihiin dad aan ahayn waxyaabaha xun-xun ee lagu tirinayo, balse aan nahay kuwo wax-qabsan kara.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkiisan kusoo beegay xilli uu shirkii guud ee Qaramada Midoobay ka sheegay in caalamkuu arki doono sannadka 2016-ka Somalia oo mid ah oo ay doorasho ka dhacayso, isagoo caalamka weydiistay inay kaalmooyinkoodii ay siin jireen Soomaaliya ay sii wadaan si dalka dib loogu soo celiyo amni iyo kala dambeyn, kaddib sannado badan oo colaado ay socdeen.

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here