Madaxweynaha Somalia oo Maanta ka Qayb-galaya Shirka Golaha Wasiirrada

0
937

Madaxweyne_XasanMuqdisho,(HargeisaPress) — Madaxweynaha Somalia ayaa markii ugu horreysay ka qaybgalay kulanka golaha wasiirrada oo xilligan ka socda xarunta madaxtooyada Somalia, kaasoo looga hadlayo hub-ka-dhigista iyo sugidda ammaanka.

Shirkan ayaa ah mid albaabbadu u xiran yihiin, waxaana la filayaa in marka uu soo gaba-gaboobo laga soo saaro warbixin, iyadoo golaha wasiirradu ay bishan horraanteedii ansixiyeen sharciga xakameynta hubka sharci-darrada ah.

Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu bogaadiyo howlgalka lagu xaqiijinayo amniga ee ku aaddan hub ka dhigista, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay weerareen guri uu degmada Wadajir ka degenaa Axmed Daaci oo ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa shir gudoominaya ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdiweli Sheekh Axmed, waxaana goobjoog ka ah saraakiisha ciidamada dowladda oo lagu wado inay faahfaahin ka siiyaan golaha wasiirrada howlgalladii ay qaybo ka mid ah Muqdisho ka sameeyeen.

Ciidamada amniga Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa Muqdisho kawada howl-gallo hub-ka-dhigis ah, waxaana howlgalladaas lagu soo qabtay hub kala duwan oo ay ku jireen, qoryo fudud, rasaasta madaafiicda iyo waxyaabo kale.

Sidoo kale, saraakiisha amniga ayaa sheegay in ujeeddada howlgalkii shalay uu ahaa mid hub-ka-dhigista qayb ka ah, balse ay dagaal kala horyimaadeen xoogag daacad u ahaa Axmed Daaci, kuwaasoo ay iska difaaceen.

Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir ayaa haatan ku sugan xarumaha ay dowladdu ku leedahay Muqdisho, inkastoo aanu maxbuus ahayn, iyadoo ay ku warramayaan wararka la helayo ay sheegayaan inuu dowladda u sheegay inaysn jirin hub uu haysto.

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here