Madaxweynaha Somalia oo diiday Xil ka Qadistii Agaasimaha Nabad-sugidda iyo khilaaf ka dhex Qarxay Raysal wasaarihiisa

0
1002

Madaxweyne_XasanMuqdisho,(HargeisaPress) — Madaxweynaha Somalia Xasan Sh. Maxamuud ayaa diiday go’aankii golaha wasiirrada xukuumaddu ay shalay xilka uga qaadeen agaasimaha hay’adda nabadsugidda Qaranka, Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Wararka laga helayo madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu ka horyimid xil ka qaadista agaasimaha, isagoo sheegay in go’aankaas lagu deg-degay oo aan habboonayn.

Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa shalay ku dhawaaqay inay xilka ka qaadeen agaasimihii nabadsugidda iyo sirdoonka Somalia, kaddib markii ay ku eedeeyeen xil-gudasho la’aan.

Wasiirro iyo xildhibaanno la kulmay madaxweynaha ayaa kula taliyay in uusan qaadan go’aan, taasoo ay sheegeen inay keeni karaan xiisad, balse wali ma cadda sida uu madaxweynuhu ka yeeli doono arrintan, maadaama aanay weli kulmin madaxwenaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in laga yaabo in laga yaabo in Xasan Sheekh uu soo saaro war uu kaga hadlayo arrintan, iyadoo la ogyahay in madaxweynuhu uu leeyahay go’aanka ugu dambeeya.

Agaasimihii hay’adda nabadsugida Qaranka Sanbaloolshe oo xilkan loo magacaabay labo bil ka hor ayaa lagu tilmaamaa shaqsiyaadka aadka ay isugu dhow yihiin madaxweyne Xasan Sheekh, lana yimid howl-karnimo wanaagsan.

Lama oga sida uu xaalku isku bedeli doono haddii uu madaxweynuhu is is-kiis ah u qaato go’aan cad oo uu kaga horjeedo kii golaha wasiirrada, iyadoo haddii faham mideysan laga qaadan waayo arrintan ay keeni karto khilaaf.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here