Madaxweynaha Somalia iyo Xubno kale oo lagu eedeeyay in ay Lunsadeen Hantidii Soomaaliya ee horay loo Xayiray

0
1448

Madaxweyne_Xasan_&_Fowziyo_YuusufMuqdisho, (HargeisaPress) — Guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka xayiraadaha hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ayaa warbixin ay soo saareen eedeyn ugu jeediyay madaxweynaha Somalia, wasiiraddii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya iyo shirkad Mareykan ah oo dhinaca sharciyada ka shaqeysa.

Warbixintan oo ka koobnayd 37 bog ayay guddigu ku wareejiyeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo nuqul ka mid ah qoraalka soo bandhigtay Arbacada maanta ah wakaaladda wararka ee Reuters.

Kooxda ayaa sheegtay in macluumaadka ay soo ururiyeen ay muujinayaan in maamulka sare ee Soomaaliya uu hantidii dadka Soomaaliyeed lunsaday iyagoo eeganaya danahooda gaarka ah.

Hantidan ayaa la sheegay in inteeda badan ay ahayd mid la xayiray billowgii sanadkii 1991-kii markaasoo dalka ay ka talinaysa dowlad milateri ahayd ee la riday, iyadoo lagu sheegay warbixinta in hantidan ay ku jiraan lacago caddaan ah iyo dahab.

Guddigu waxay warbixintooda ku qeexeen in arrintan oo ay ugu yeereen shirqool ay ku lug leeyihiin, madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud, shirkad laga leeyahay dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Shulman Rogers iyo wasiiraddii hore ee arrimaha dibadda, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan. Iyadoo ay xiriirirayaal ka ahaayeen laba ruux oo aan shaaca laga qaadi magacyadooda iyo dalalka ay u dhasheen.

Haddii warbixintan ay noqoto mid sax ah waxaa dhici karta inay hakiyaan dalalka deeqaha bixiya lacagihii balaayiinta doollar ahayd ee ay ugu yabooheen Somalia si dib u dhis loogu sameeyo dalka labaatameeyo sano oo colaado ah kaddib.

Dhammaan xubnaha lagu eedeeyay inay falkan ayaa iska fogeeyay, iyagoo sheegay inaysan ku lug lahayn eedeymahan, iyagoo dhankooda eedeyn u jeediyeen madaxa guddiga, Jarat Chopra taasoo ay ku sheegeen in warbixinta guddiga ay tahay mid aan sal iyo raad lahayn.

Wasiiraddii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf oo haatan ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa sheegtay inaysan jirin wax macaash ah oo ay ka heshay heshiiskii lala galay shirkadda Shulman Rogers, isla markaana aysan ka dambeyn in Yusur Abraar loo magacaabo guddoomiyaha bankiga dhexe ee Soomaaliya.

“Doorkeyga wasiirnimo wuxuu ahaa inaan dhiso muqaalka Somali, waana ka xumahay in magaceyga iyo kan dowladeyda la ceebeeyo,” ayay Fowziyo ku sheegay hadal ay jeedisay, wabixinta kaddib.

Sidoo kale, war-saxaafadeed laga soo saaray xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay inaysan ka bixinayn wax jawaab ah eedeymaha warbixintaan lagu sheegay, kuwaas oo ay ku tilmaameen kuwo la been abuuray.

Warbixinta guddigan ayaa waxaa si adag iyaduna u diidday shirkadda Shulman Rogers, waxayna warbixin ay soo saartay ku sheegtay inaysan jirin wax door ah oo aysan ku lahayn shirqoolkan dhacay.

“Tani waa mid lid ku ah shacabka Soomaaliya,” ayuu yiri Jeremy Schulman oo ah madaxa shirkadda Mareykanka ah, isgaoo intaas ku daray: “Intii aan ka shaqeynaynay Soomaaliya howl wanaagsan ayaan u qabanay shacabka Soomaaliyeed.” Isagoo ku eedeeyay madaxa kooxdan Chopra in warbixintiisa ay tahay mid aan lagu kalsoonaan karin, waayo buu yiri ma ahan mid faahfaahinno rasmi ah bixinaysa.

Warbixin ay xubnahan kormeerayaasha ah soo saareen sannadkii hore ee 2013-ka ayay ku sheegeen in shaqsiyaad ay isku dhow yihiin madaxweyne Xasan Sheekh ay 80% bankiga dhexe ee Soomaaliya ugala baxeen lacagihii yaallay, taasoo ay dowladda Soomaaliya si adag u beenisay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here