Madaxweynaha Maraykanka oo Washington ku Casuumay inta badan Madaxda Afrika

0
1154

barack-obama-lgWashington,(HargeisaPress) — Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo ah madaxweynihiii ugu horeeyay oo madow ah ,isla markaana hogaamiya dalkaas ayaa madaxda Afrika ku casuumay in ay ka soo qayb-galaan shir ka furmayo Washington todobaadka danbe.

Waxaa shirkan lagu marti-qaaday 50 kamid ah madaxda dalalka Afrika ugu sareeysa,waxaana labada dhinac ay ka wada hadli doonaan arimo ku aadan sidii ay xiriir dhow u wada yeelan lahaayeen Washington iyo dalalka la casuumay.

Shirkan waxaa ka maqnaan doona oo aan ka soo qayb-gali doonin madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi iyo boqorka Marooko oo wakiil u soo diri doona,iyadoo ay jiraan tiro madaxweynayaal ah oo aan loo dirin casuumadda ka qaybgalka shirka.

Waxaa madaxweyna-yaashaas kamid ah Cumar Al-Bashiir oo madaxweyne ka ah Suudaan, madaxweynaha Ereteriya Issaias Afeworki iyo hogaamiyaha KMG ah ee dalka Afrikada dhexe Samba Panza.

Kulankan ayaa lagu wadaa in si gaar ah loogu soo hadal qaado arimo ay kamid yihiin afduubyada iyo qaraxyada ka jira dalka Nigeria, dagaallada sokeeya ee Koonfurta Suudaan,colaadaha Somaliya iyo waliba xal u helida rabshadaha Kenya oo aad u sii kordhayay.

Hoggaamiya-yaasha dalalka Sierra Leone iyo Liberia ayaa hakiyay safarkii ay ku iman lahaayen Washinton sababo la xidhiidha cudurka Ebola oo halis ku haya boqolaal kamid ah dadka labadaas wadan ,iyadoo tiro lagu qiyaasay 725 ruux ay ilaa iyo hadda u geeriyoodeen.

“Afrika waxaan u arkaa mid ka mid ah ganacsiga labaad ee ugu balaadhan taariikhaha guulaystay ,Maraykankuna waxa uu doonaya in uu qayb-ka noqdo guushaas”ayuu yidhi Obama oo sanadkii hore booqasho ku marayay dalalka kala ah Tanzania,Senegal iyo waliba Koofur Afrika.

Ugu danbayntii dowladda Maraykanka ayaa tartan adag kala kulmaysa China oo horey Afrika uga hirgalisay maal-gashiyo ballaaran,waxaana labada dhinac ay ku hardami doonaan sidii ay u kasban lahaayeen kalsoonida madaxda Afrika.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here