Madaxweynaha La Doortay Oo Xubno Wasiirro Ku Jiraan U Magacaabay Qaba-Qaabada Caleemo-Saarkiisa

0
1068
Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi PHOTO FILE

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa Magacaabay Guddi ka kooban 9 Xubnood, kuwaasi ka shaqayn doona Qaban-qaabada Caleemo-saarkiisa.

Guddiga uu Madaxweyne Muuse u magacaabay qaban-qaabada Caleemo-saarkiisa ayaa waxa ku jira shan Wasiir oo ka mid ah Xukuumadda xilkeedu sii dhamaanayo, waxaana Guddoomiye u ah Wasiirka arrimaha dibedda Dr. Sacad Cali Shire.

Wareegtada uu Guddigan ku Magacaabay Madaxweyne Muuse oo soo gaadhay Himilomedia.com, ayaa u qornayd sidan:-

 Guddida Xil-wareejinta Xilliga Kala-guurka ah.

Kadib markii aan la tashaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Kadib markaan xaqiiqsaday muhiimadda xilliga kala-guurka ah; waxa loo magacaabay xubnaha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin in ay noqdaan Guddida Xil-wareejinta Xilliga Kala-guurka ah. Xubnaha Guddidu waxa ay kala yihiin:

  1. Dr. Sacad Cali Shire – Guddoomiye
  2. Maxamed Kaahin Axmed – Xubin
  3. Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon – Xubin
  4. Maxamuud Xaashi Cabdi – Xubin
  5. Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare – Xubin
  6. Prof. Axmed Ismaaciil Samatar – Xubbin
  7. Eng. Xuseen Ibraahim Xasan Buuni– Xubin
  8. Eng. Ibraahim Daahir Dubad – Xubin
  9. Yuusuf Maxamed Cabdi – Xubin                                                

Masuuliyadda Guddida Xil-wareejinta Xilliga Kala-guurku waa diyaarinta iyo hagista dhammaan hawlaha xil-wareejinta xilliga kala-guurka ah iyo goobta xil-wareejinta. Muddada xilka Guddidu waxa uu ku kooban yahay ilaa maalinta xil-wareejinta.”

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi,

Madaxweynaha La Doortay ee JSL 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here