Madaxweynaha la Doortay oo Qaabilay Safiirro iyo Diblomaasiyiin ka socda Midowga Yurub iyo Dawladda Ingiriiska + SAWIRRO

0
1221

Hargeysa , (HargeisaPress) —Madaxweynaha cusub ee uu dhawaan doortay shacabka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la qaatay wefti ballaadhan oo ka kooban safiirro iyo diblomaasiyiin ka socda ururka dalalka Midowga Yurub iyo dalka Ingiriiska oo booqasho ku yimi Somaliland.

Weftigan oo ay hoggaaminayso Safiirka Midowga Yurub u u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Veronique Lorenzo, xubnana ka yihiin safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Daved Concar, sariirro diblomaasiyiin ka socda dalalka Denmark, Sweden iyo Switzerland iyo weliba saraakiil sare oo ka tirsan hay’adda dalka Britain u qaabilsan deeqaha caalamiga ah ee DFID, kuwaas oo ujeeddada socdaalkooda uu ka mid yahay ka qaybgalka xafladda dhaarinta Madaxweynaha cusub ee dhacaysa berri, ayaa Madaxweyne Muuse Biixi uu ku qaabilay qasriga Madaxtooyada galabta.

Madaxweynaha la doortay Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire iyo Afhayeenka xisbiga KULMIYE Md. Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi, waxa kulankaasi dhexmaray safiirrada iyo diblomaasiyiinta reer Yurub ay kaga wadahadleen arrimo kala duwan oo muhiim ah, waxaanay labada dhinac diiradda saareen qodobbo ku saabsan kor-u-qaadista iyo dardargelinta xidhiidhka ay Somaliland la leedahay guud ahaan dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub iyo Waddanka Ingiriiska iyo sidii loo abuuri lahaa jawi ay dhinacyadu ku wadashaqayn karaan.

Safiirrada iyo diblomaasiyiinta Midowga Yurub iyo Ingiriiska, ayaa dhinacooda shaaciyey inay u socdaan ka qaybgalka xafladda lagu dhaarinayo Madaxweynaha cusub, isla markaana ay diyaar la yihiin inay si buuxda ula shaqeeyaan Madaxweynaha dhawaan la doortay iyo xukuumadiisaba, kana taageeri doonaan dhinacyada maalgashiga, horumarinta, qorshaha mashruuca weyn ee lagu dhisayo waddada u dhaxaysa Berbera iyo Wajaale (Berbera Corridor), tayeynta waxbarashada gaar ahaan farsamada gacanta iyo sidii loo dejin lahaa hannaan ama farsamo ay ku sii socon karaan wadahadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Ugu dambayn, Madaxweynaha la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi, waxa uu uga mahadceliyey weftigan booqashada ay ku yimaadeen Somaliland, waxaannu tilmaamay inay ka go’an tahay sidii uu wadashaqan midho-dhal leh ula yeelan lahaa dalalka beesha caalamka, gaar ahaan Midowga Yurub iyo waddanka Ingiriiska ee ay ka socdaan safiirrada iyo diblomaasiyiintani.

LEAVE A REPLY