Madaxweynaha Kenya oo Dabacsanaan ka Muujisay Dib u Celinta Qoxootiga ku jira Xeryaha Kenya

0
990

Nairobi, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa Xoogaa dabac-sanaan ah ka muujiyay dib u celinta kumannaanka qoxootiga Soomaaliyeed ah ee ku nool dalka Kenya, isagoo xusay inaysan dib u celinta Qoxootigu noqon doonin mid khasab ah.

Kenyatta ayaa kulan la qaatay madaxa Hay’adda Qoxootiga Adduunka ee UNHCR, isagoo kala hadlay rrimaha Qoxootiga Dhadhaab, isagoo kulan kan la mid ah la qaatay maalmihii lasoo dhaafay xoghayaha arrimaha dibadda Maryekanka, John Kerry oo booqasho ku tagay Kenya.

Xeryaha dhadhab Kenya
Xeryaha dhadhab Kenya

Xukuumadda Nairobi ayaa bishii hore weydiisay Qaramada Midoobay in dib loogu celiyo Qoxootiga Dhadhaab ku jira oo tiradoodu tahay 350,000 oo qof dalkooda muddo saddex bilood ah, kaddib markii ay sheegtay in xeryaha ay u adeegsato Al-shabaab goobo ay weerarradeeda kasoo qaaddo.

Tallaabada ay Kenya qaadatay ee ka dhanka ah qoxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha ayaa ku timid caro ay Kenya ka qaaday weerarkii bishii lasoo dhaafay ee Abriil lagu qaaday Jaamacadda Gaarisa, taasoo lagu dilay in ka badan 148-qof.

Guterres_Kenyatta

Saraakiisha Qaramada Midoobay iyo kuwa kale ee hay’adaha gargaarka ayaa si wadajir ah ugu tilmaamay qorshaha lagu xirayo Qoxootiga Kenya ay xadgudub ku tahay shuruucda caalamiga ah ee qoxootiga, isla markaana ay sababi karto inay ka sii daraan xaaladaha amni-darro ee Kenya.

“Kenya way fulisaa wayna sii wadi doontaa furlinta waajibaadyada caalamiga ah,” ayuu ku yiri Kenyatta war-saxaafadeed uu shalay oo Arbaco ah Nairobi kasoo saaray, kaddib kulan uu la qaatay madaxda ugu sarreeya hay’adda UNHCR, António Guterres.

Wuxuuna Guterres Warbaahinta u sheegay in Qoxootiga ku jira Dhadhaab ay yihiin kuwo kasoo cararay dhibaatada ay argagaxisadu kwado Somalia mana dhici karto in si khasab ah loogu celiyo Somalia oo ah halkii ay markii hore kasoo carareen.

Ugu dambeyn, António Guterres ayaa la filayaa inuu Muqdisiho ku yimaado booqasho, ka hor inta aanu booqan Jimcaha xeryaha Qoxootiga deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here