Madaxweynaha Dawlad Degaanka Ethiopia Oo Maraykanka Lagu Soo Dhaweeyay iyo Shuruud Adag Oo Uu Ku Xidhay Wada Hadal ONLF Lala Galo + SAWIRRO

0
848

Mineapolis, (HargeisaPress) — Madaxweynaha dawlad degaanka Soomaalida Ethiopia, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa lagu soo dhaweeyay Maraykanka. Jaaliyadda u dhalatay DDSI, ayaa madaxweynahooda si diiran u soo dhaweeyay.MMBB

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Cabdi Maxamuud Cumar, oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in ujeedka socdaalkiisu yahay sidii Jaaliyaddu u maalgashan lahayd dalkooda “Waxaanu u nimid in qurbejoogta ka soo jeeda Degaanka Soomaalida Ethiopia aanu kala tashano nabad galyada iyo maamulka suuban iyo inay maalgashadaan wadankooda, kuwii hore ee Maalgashadayna aanu ku nidhaahno waad Mahadsan tihiin” ayuu yidhi Cabdi Maxamuud Cumar.

KKKK

Madaxweynaha DDSI,ayaa qurbejoogta ugu baaqay in dalkoodu nabad yahay islamarkaana ay ka jiraan fursado badan oo ay maalgashan karaan,iyadoo kuwii hore u maalgashadayna uu ku dhiiri galiyay inay sii wataan Maalgashigooda.KKKKKGHG

 

Dhanka kalena waxaa wax laga waydiiyay Wada hadalo dawladda federalka Itoobiya la bilawday Ururka ONLF ee Ethiopia ka dagaalama siiba degaanka Soomaalida “Waxaanu ognahay inay marar badan wada hadalo ONLF bilaabeen haddana iyagii fashiliyeen, markaas wada hadal kastaa waxa uu ku xidhan yahay qaadashada Dastuurka Federalka ah ee Itoobiya ayaa Shuruud ka ah. Shuruuda koowaad, ta labaad iyo ta saddexaadba waa Dastuurka Itoobiya ee Muqadaska ah marka ay sida Kiniinka u liqaan, wada hadalku markaas buu ka dambeeyaa. Marka ay ku dhawaaqaan ee yidhaahdaan Dastuurka Itoobiya bilaa hadal iyo bilaa shuruud baanu ku qaadanay, markaas ayuu ka dambeeyaa in la wada hadlo” ayuu yidhi Cabdi Maxamuud Cumar.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here