Madaxweynaha dalka Djibouti oo isku day dil ka badbaaday

0
1024

Djibouti :- Wararka ka imanaya Dalka Djibouti ayaa sheegaya in ay  toogasho ka dhacday garoonka diyaaradaha ee Djibouti, xili uu madaxweynaha dalka Djibouti Ismail Cumar Geele uu ka soo degayey  garoonka Diyaaradaha ee dalka Djibouti

Toogashadan ayaa waxaa geystay askari ka mid ah ilaalada Garoonka Diyaaradaha waxaana ku dhaawacmay  Dr Idiris Cabdi Galab oo ahaa dhaqtarka gaarka ah ee Madaxweyne Geele iyo Sarkaal sare ka tirsan ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha dalka Djibouti.

La taliyaha dhinaca warfaafinta ee Madaxweynaha Djibouti Najiib Cali Tahir oo la hadlay saxaafada  ayaa  sheegay in madaxweynu uu goobta ka baxay toban daqiiq ka hor inta aan toogashadan aysan dhicin wuxuuna sheegay in asakariga rasaasta furay iyo Dr Idiris Cabdi Galab  uu khilaaf u dhexeeyey.

Wargeysyada ka soo baxa dalka Faransiiska ayaa sheegay in Madaxweynaha dalka Jabuuti uu ka badbaaday shirqool lagu khaarajin lahaa

HargeisaPress – Djibouti

LEAVE A REPLY