Madaxwayne Siilaanyo Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Safiirka Cusub Ee Dalka Germany U Fadhiya Somaliland Iyo Somaliya Iyo Ujeedada Socdaalka Ay Ku Timi Hargeysa

0
940

Hargeysa, (HargeisaPress) —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley maanta masuuliyiinta Ururka Sama-falka ee Al-khair Foundation, kuwaasoo uu horkacayey agaasimaha fulinta (CEO) ee hay’addaasi, Mr Saif Ahamed, oo isla markaana ah safiir ka tirsan Madasha Hoggaaminta Caalamka Islaamka (Ambassador World Muslim Leadership Forum).

983c642d-1fe6-4d9a-80dc-b4cdde81b31a

Masuuliyiintan oo madaxweynaha ugu yimid booqasho sharaf iyo mid hawleedba ayaa waxa madaxweynaha uga mahadnaqeen qaabilaadda, waxaanu agaasimaha fulinta ee hay’addu raaciyey inay shaqooyin samo-fala ka wadaan dalka gudihiisa kuwaas oo ah mashaariic dhinaca biyaha ah.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

 

Wuxuu intaasi ku daray inay u socdaan oo ay u sidaan madaxweynaha iyo masuuliyiin wehelisa martiqaad rasmi ah oo ay ku tagaan magaalo madaxda Malaysia ee Kuala Lumpur, horaanta bisha Oktoobar, 2016.

 

Wuxuu raaciyey oo kale, agaasimaha fulintu bogaadin iyo ammaan uu u soo jeediyey madaxweynaha oo uu ku sifeeyey hoggaamiye fiican, markhaatina uu uga dhigay Somaliland oo ay ka hano-qaadday dawladnimo taam ahi, xaqna ay u leedahay aqoonsi caalami ah oo ay hesho.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Twitter: @HargeisaP

 

 

LEAVE A REPLY