Madaxwayne Siilaanyo Oo Saaka U Anba Baxay Goboladda Bariga Somaliland Iyo Ujeeda Uu Daran Yahay Socdaalkiisu

0
797
Dadweynaha reer Awdal ayaa si weyn usoo Dhoweeyey, isla Markaana ka hor Yimid

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa saaka safar ugu baxay magaalada oog oo ka tirsan gobolka saraar.

 

Madaxwayne Siilaanyo ayyaa wax socdaalkiisa ku wahelinayay xubno kamida Golahiisa Wasiirada, masuuliyiin ka tirsan xisbiga kulmiye iyo waliba masuuliyiin kale.

 

Waxaaana ujeedka safarka madaxwaynuhu uu daaran yahay inuu kaga qayb gallo magaalada Oog xuska maalinta ciidanka qaranka somalilan oo ku began 2-Feb-2016 oo sanadkan lagu qaban doono magaaladaasi.

 

Balse intaanu madaxwaynuhu tagin magaalada Oog ayaa waxa uu sii mari doonaa magalaada berbera wallow aanay cadayn inuu caawa seexan doono balse nasasho yar oo kooban ayuu ku qaadan doonaa xeebtaa Batalaale Sida ay sheegeen Ramaasnews xubno ku wahelinayay safarka madaxwaynaha.

 

Madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed  Maxmed Maxamuud Siilaanyo ayaa la filayaa marka uu dhamaado xuska ciidamada qaranka Somaliland inuu socdaalo kala duwan kusoo mari doono gobolada bariga Somaliland soona indha indhayn doono xalada dad iyo duunyo ee ay ku sugan yihiin dadka ku nool goboladaa iyo deeganada hoos yimaada.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY