Madaxwayne Siilaanyo Oo Cafis U Fidiyey In Ka Badan 400 Oo Maxbuus Oo Jeelasha Dalka Ku Xidhnaa

0
1164
Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo

Hargeysa (HargeisaPress) —Warar xog ogaal ah oo soo gaadhaya xafiiska shabakada wararka HargeisaPress kana soo gaadhay ilo wareedyo loogo qaateen ah ayaa waxay sheegayaan in madaxwayne Siilaanyo uu maanta cafis madaxwayne u fidiyey in ka badan 400 oo maxbuus oo ku kala xidhnaa xabsiyada waa wayn ee gobolada dalka.

Maxaabiistan uu  madaxwayne Siilaanyo cafiska u fidiyey ayaa tiradooda naloogu sheegay 489 Maxbuus oo ku xidhnaa jeelasha gobolada dalka,kuwaas oo ku xukunaa danbiya fudud.

Maaha markii u horeysay ee madaxwayne Siilaanyo cafis madaxwayne ku sii daayo maxaabiis ku xidhan xabsiyada dalka,balse dhawaan ayay ahayd kadib markii uu maxaabiis tiro badan cafis u fidiyey kuwaas oo ku jiray jeelasha Burco iyo Borama,ayna sabab u ahayd kadib markii jeelasha uu ka dilaacay xanuunka Shuban Biyoodku.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY