Madaxwayne Siilaanyo Oo Cafis Madaxwayne U Fidiyey Maxaabiis Tiro Badan Oo Jeelka Borama Ku Xidhnaa Iyo Madaxtooyada Oo Ka Hadashay

0
1047

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa cafis u fidiyey maxaabiis tiro badan oo ku xidhnaa jeelka wayn  ee magaalada Borama.

Maxaabiistan uu madaxwaynuhu cafiska u fidiyey Ayaan tiradooda la shaacin balse xogo Ramaasnews soo gaadhaya yaa waxay sheegayaan in maxaabiistaasi ay kor u dhaafayaan 50 maxbuus oo jeelka Borama ku xidhnaa,waxaana maxaabiistan cafiska loo fidiyey ay yihiin dhamaan maxaabiistii loo haystay inay qaranka Somaliland dambi ka galeen.

Cafiskan madaxwayne Siilaanyo ayaa kusoo beegmaya wakhti uu jeelka magaalada Borama uu ka dilaacay xanuunka Shuban Biyoodka isla markaana uu xanuunkaasi uu soo ritey Shan Maxbuus oo ku xidhnaa jeelka magaalada Borama kuwaas oo wakhti xaadirkan xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo cusbitaalka magaalada Borama.

Dhinaca kale madaxtooyada Somaliland gaar ahaana wasiirka madaxtooyada ayaa ka hadlay maxabiistan uu madaxwayne Siilaanyo Cafiska u fidiyey.

Gabagabadii maaha markii u horeysay ee madaxwayne Siilaanyo cafis u fidiyo maxaabiis ku xidhan jeelasha waa wayn ee gobolada dalka,dhawaan ayay ahayd kadib markii uu cafis u fidiyey 85 maxbuus oo ku xidhnaa xabsiga magaalada Burco.

HargeisaPress News Desk — Hargeisa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here