Madaxwayne Siilaanyo Oo Cafis Madaxwayne U Fidiyey Maxaabiis Badan Oo Jeelka Burco Ku Xidhnaa+Tirada Maxaabiista Iyo Sababta

0
1429
Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo

Hargeysa, (HargeisaPress) —  Madaxwayne Siilaanyo Cafis madaxwayne u fidiyey Maxaabiis tiro badan oo ku xidhnaa jeelka Wayn ee magaalada Burco.

Maxaabiistan uu Madaxwayne Siilaanyo cafiska u fidiyey ayaa waxa tiradooda naloogu sheegay 87 (Sideetan Iyo Todoba) maxbuus oo xukunaa oo ku jirey jeelka magaalada Burco kuwaas oo xukuno kala duwan ku xukunaa.

Cafiska madaxwaynaha ayaa xoguhu noo sheegeen inuu la taxaluqo kadib markii uu Xabsiga magaalada Burco gudahiisa ka dilaacay xanuunka Shuban Biyoodka ayna u geeriyoodeen Afar Maxbuus halka ay maxaabiis ka badan 50 Maxbuus oo kalena ay u jiifaan xanuunka Shuban Biyoodka.

Maxabiistan uu madaxwayne Siilaanyo cafiska u fidiyey ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horeysay ee madaxwayne Siilaanyo cafis u fidiyo maxaabiis tiradaa leeg oo ku xidhnaa xabsiga magaalada Burco.

Xaalada magaalada Burco ayaa wakhti xaadirkan maraysa meel adag oo u baahan in loo gurmado,waxaana gobolka Togdheer fara baas ku haya xanuunka Shuban Biyoodka oo sababay dhimashada dad tiro badan,halka ay xanuunkan u jiifaan dad kor u dhaafayaa 2000 (Laba Kun) oo qof.

HargeisaPress News Desk — Berbera

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here