Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray 145 Guri oo Loo Dhisay Dad Dan Yar Ah Oo Ku Dhaqan Xaafad Jimcaale Ee Magaalada Hargaysa

0
876

Hargeysa, (HargeisaPress) —Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici” ayaa Xadhiga Ka Jaray 145 Guri ayaa loo dhisay dad dan yar ah oo ku dhaqan xaafad jimcaale ee magaalada hargeysa.

 

Mashruucan waxa lagu dhisaayay 145 Guri oo loogu tallo-galay inay ka faa’iidaystaan 145 Qoys amaba dad gaadhaaya 1,115 Ruux, waxaanna Mashruucan hirgelisay Hay’adda UNHABITAT, iyaddoo ay maal-gelintanna bixisay Dawladda Jaban. Mashruucan waxa garab socday oo Dan’yarta Xaafaddan Jimcaale la barraayay Xirfaddaha kala duwan sida Dawaarka, Dabka iyo Xinnaha, waxaanna bixinnaysay Hay’adda wadaniga ah ee Asal Organization.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warka

 

 

Munaasibad si heer-sarraysa loo soo qaban-qaabiyay ayaa waxa ka soo qayb-galay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, Wasiirka Wasaaradda Dib u dejinta, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta qaranka, Wasiirul dawlaha Wasaaradda Shaqadda iyo arrimaha bulshadda, Maayarka Caasimadda Hargaysa, Masuuliyiinta Hay’adda UNHABITAT iyo Madax sarre oo ka socotay Hay’adda wadaniga ah ee Asal Youth Organization.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY