Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Shaqadii Ka Joojiyay Badhasaabkii Gobolka Awdal Iyo Nuxurka Sababaha Uu Uga Joojiyay Shaqada Oo Uu Shaaciyay

0
1223
Guddoomiyaha gobolka Awdal, Md. Mustafe Cabdi Ciise (Shiine)

Hargeysa, (HargeisaPress) —Madaxwayne ku xigeenka somaliland ahna ku simaha madaxwaynaha Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici” ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray waxa uu shaqadii kaga joojiyay badhasaabkii gobolka Awdal Mustafe Cabdi Shiine.

Waxaana uu madaxwayne ku xigeenku shaaciyay sababaha uu shaqada uga joojiyay badhasaabka,isaga oo faray inuu xilka si ku meel gaadh ah ugu sii wareejiyo ku xigeenkiisa.

Halkan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka madaxtooyada kasoo baxay ee shaqada lagaga joojiyay badhasaabkii gobolka Awdal.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here