Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Maanta Furay Shirweynaha Tacliinta Sare Ee Dalka + SAWIRRO

0
856

Hargeysa, (HargeisaPress) –Shirweynaha tacliinta sare ee dalka oo maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa ayaa u jeedkiisu daaranaa sidii kor loogu qaadi lahaa waxbarashada Jaamacadaha dalka, waxaana ka soo qayb galay Madaxwayne ku xigeenka JSL mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil (Saylici), Wasiirka waxbarashada iyo sayniska Pro Cismaan Jaamac Aadan, Wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada iyo sayniska Maxamed Daahir, Gudoomiyaha gudiga tacliinta sare Pro Xuseen Xasan Guuleed, Agaasimaha guud ee tacliinta sare Pro Axmed Muuse Muruud, madaxda jaamacadaha dalka iyo masuuliyiin aad u tiro badan.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Agaasimaha guud ee tacliinta sare Pro Axmed Muuse Muruud oo ku dheeraaday ahmiyada uu leeyahay shirkani oo wax weyn ka taraya ayuu yidhi tacliinta sare ee dalka kaasi oo xusay in ay muhiim tahay in la tayeeyo waxbarashada sare ee jaamacadaha si loo helo dhalinyaro aqoon yahan ah oo dalka anfacda taasina uu daaran yahay shirkani in lagu gorfeeyo.

Gudoomiyaha gudiga tacliinta sare ee Somaliland Pro Xuseen Xasan Guuleed oo madasha ka hadlay ayaa ka waramay maraaxil kii kala duwanaa ee uu soo maray tacliinta soomaalida iyo sidii mustacmarkii wax loo baran jiray waxaanu xusay in ay muhiim tahay tacliinta in la tayeeyo oo dhan kasta laga dhiso kaasi oo jaamacadaha ku booriyey in ay ardayda aqoonta ka dhisaan.

Gudoomiyayaasha jaamacadaha Beder Iyo Abaarso Tech, Pro Mubaarig Ibraahin Aar iyo Pro Axmed Xuseen Ciise oo shirka ka hadlay ayaa ka waramay hababka kala duwan ee lagu tayeyn karo jaamacadaha dalka kuwaasi oo sheegay in la rabo in la sameeyo qorshe cad oo haga tacliinta sare ee dalka waxaanay tilmaameen sida ugu wanaagsan eek or loogu qaadi karo tayada jaamacadaha iyo aqoonta sare ee dalka.

Wasiir ku xigeenka wasaarada Waxbarashada iyo sayniska Maxamed Daahir Axmed oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay wadaan qorshe kor loogu qaadayo tayada jaamacadaha dalka waxaanu sheegay in ay muhiim tahay in bulshada iyo masuuliyiinta jaamacaduhu fahmaan tayada jaamacadaha lagana saaro waxyaabaha dhantaalaya go’aamada dawliga ah ee ay soo saari doonaan.

Wasiirka wasaarada waxbarashada iyo saniska Pro Cismaan Jaamac Aadan ayaa sheegay in shirkani uu yahay mid tacliinta sare ee dalku ay u baahnayd si go’aan looga gaadho tayada jaamcadaha dalka waxaanu sheegay in ay muhiim tahay in waxbarashada asaasiga ah la soo dhiso si ardayga ama ardayda bilaabaysa jaamacadu ay u noqoto mid aqoonteedi hore ay dhisan tahay kaasi oo sheegay in ay muhiim tahay in ardaygu uu yaqaano luuqada uu wax ku baranayo.

Gebogebadii waxa halkaasi ka hadlay Madaxwayne ku xigeenka JSL mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil(Saylici) oo ugu baaqay gudoomiyayaasha shirweynaha tacaliinta sare ka soo qayb galay in ay tayeeyaan jaamacadaha si loo helo aqoon yahan dalka wax badan ka qabta waxaanu wasaarada iyo jaamacadaha ugu baaqay in ay muujiyaan wadashaqayn si loo helo aqoon sare oo tayo leh waxaanu si rasmi ah u furay shirka tayayenta jaamacadaha dalka oo socon doona mudo laba cisho ah.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADDA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here