Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Furay Shirkii Maamul Daadajinta Dawladaha Hoose

0
1015

Hargeysa, (HargeisaPress) —Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ahna ku-simaha Madaxweynaha JSL ayaa ka qayb galay Shirka Hab-maamulka Dawladaha Hoose (Local Governance Conference) oo ka furmay Hoteelka Ambassador, kaasi oo socon doona 11-ka ilaa 13-ka Oktober 2016.

 

Shirkani wuxuu salka ku hayaa bernaamijka la magac baxay Bernaamijka Maamul Daadejinta Dawladaha Hoose ee Jam. Somaliland (Somaliland Joint Programme on Local Governance-JPLG) kaasoo muddo dhawr sano ahba ka socday qaar ka mid ah Degmooyinka iyo Gobollada JSL. Bernaamijkan waxa qaranka (siyaasad ahaan) uga masuul ah Xafiiska M/weyne-ku-Xigeenka JSL, halka Wasaaradda Arrimaha Guduhuna ay masuul ka tahay fulinta iyo hirgelinta mashruuca JPLG.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

Iyadoo laga duulayo muhimadda iyo mudnaanta ay Maamul Daadejintu u leedahay horumarka Qaranka, Dawladda Somaliland waxay 7 sano ka hor bilowday in bernaamijka JPLG si dhab ah loo hirgeliyo si Dawladaha Hoose looga caawiyo saddex dhinac oo kala ah: curinta Siyaasadda (Policy Development), kobcinta xirfadda iyo aqoonta (Capacity Building) iyo bixinta adeeg hufan (Service Delivery).

shir 3

Ujeedada ama himilooyinka ugu muhiimsan ee ay Dawladaha Hoose ka leeyihiin bernaamijka JPLG-ga waxa ka mid ah: in la kordhiyo isticmaalka iyo u-sinaanshaha adeegyada guud ee bulshada (increase access to public services); kaabayaasha adeegyada bulshada (public infrastructure); kobcinta fursadaha dhaqaalaha (economic opportunities) iyo kobcinta awoodda bulshada degaannada si ay ugu tallaabsan karaan horumar muuqda oo aayatiin leh (empowerment of local commuinities while enhancing a sustainable local development).

shir 6

shir

shir 2

shir 8

shir 4

shir 9

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY