Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Iyo Soo Dhawayn Lagu Qaabiley + SAWIRRO

0
1073

Hargeysa, (HargeisaPress) —Waxa saaka subaxii hore magaalada Hargeysa dib ugu soo guryo noqday madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici” oo muddo safar caafimaad ugu maqnaa dalka imaaraadka Carabta.

Waxanaa madaxwaynuhu uu arrimo caafimaad ugu tagay dalka imaaraadka carabta halkaasi uu lagu soo dabiibayay kadib markii dhaawac kasoo gaadhay misigta (Lugta) uuna ku siibtay gurigiisa.

Waxaana saaka madaxwaynaha madaarka Hargeysa kusoo dhaweeyey wasiiro,wasiiro ku xigeen agaasimayaal iyo masuuliyiin kale, oo ka tirsan laamaha dawlada.

Xaalada caafimaad ee madaxwayne ku xigeenka Somaliland ayaa hadda ah mid wanaagsan kadib dhaawac kasoo gaadhay misigta .

LEAVE A REPLY