Madaxtooyada Somaliland Oo Ka Hadashay Jiritaanka Isku Shaandhayn Wasiirada Lagu Sameeyo Oo Mudo La Hadal Hayay

0
961
Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul
Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul

Hargeysa,(HargeisaPress) — Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa sheegay inaanay wakhtigan jirin Isku shaandhayn lagu samaynayo Golaha wasiirada Madaxweyne Siilaanyo. waxa uu beeniyay warar mudooyinkan soo baxayay oo ku salaysan Isku shaandhayn Madaxweyne Siilaanyo Samaynayo.

“Anigoo ku hadlaya Afka Madaxweynaha Somaliland waxaan caddaynayaa inaanay wakhtigan jirin cid la Eryayo, cid la bedelayo iyo wax isku shaandhayn ah oo Golaha wasiirada lagu samaynayo” ayuu yidhi Mr Dhuxul oo warbaahinta la hadlayay Maanta

Afhayeenku waxa uu intaasi raaciyay “ Kooxdan Imika Madaxweynaha la shaqeeya ee uu Xushay waa Koox isku filan, waa koox Madaxweynaha garab ku siinaya Hawlaha uu qaranka u hayo, waa koox Kartidooda iyo aqoontooduba hufan tahay,hawsha qarankana baylah tirkeeda aan looga baqayn.

Sidaasi darteedna wax isku shaandhayn ah, wax bedel ah iyo  wax Eri ah oo haatan madaxweynaha Somaliland samaynayaa ma jiro, isagoo kolayba mar walba xaq u leh inuu Eryi karo, inuu magacaabi karo iyo inuu dalacsiin karoba haddana wakhtigan arintaasi soo noqnoqtay ma jirto”

Mudooyinkii u dambeeyay ayaa Dadweynaha Somaliland aad u hadal hayay isku shaandhayn balaadhan oo Madaxweyne Siilaanyo damacsan yahay iyadoo warbaahinta qaarkeedna si aada u tabinaysay wararka ku aadan isku shaandhayn iyo wasiiro la eryayo.

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here