Madaxtooyada oo Weyday Hal Suldaan oo ka Daba Hadla Suldaanka Guud Ee Subeer Awal

0
888

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxtooyada iyo Abbaanadeeda, ayaa ku simbiriirixday qabashada kulan qorshihiisu ahaa inay Jawaab uga dhiggaan hadalka soo yeedhay Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal, Siyaasiyiin iyo Mujaahidiin, kaasoo Nuxur ahaan aan cid gaar ah khuseyn, hase-yeeshee Odayaashu ku taageereen waqtigii Koomiishanku uu muddeeyey Doorashada. Balse haddii laga tagi waayo waxa Hal-doorka Beeshu ka digay in Golaha Guurtidu sammeeyo Muddo kordhin xilligeedu dheeri ka yahay waqtigii Koomishanku u Qoondeeyey Doorashada.

Haddaba weji-gabaxa Xukuumaddu kala kullantay qabbashada kulankaas, ayaa ka dhasahay kadib markii la waayey hal qof oo kamid ah Madax-dhaqameedka iyo Hal-doorka Beelaha Subeer Awal, kaasoo lagu waday in lagu qabto Huteel Guuleed ee Magaalada Hargeysa, waxa xaalku qasmay taladuna faraha ka baxday markii xubno Salaadiin ah oo Madasha yimi ka gacan-taagteen inay ka dabo hadlaan Suldaanka Guud ee Subeer Awal, xubnihii arrinkaa ka biyo-diiday-na, waxa kamid ah Suldaan Axmed Nuur Samaale, oo isagu sidan ku dooday; “..Horta Saxaafaddu ha inaga Baxdo. Raggii hadlayna waxay ahaayeen Rag Miisaan-leh, marka haddii la doonayo in loo jawaabo, waxa Haboon ininaagu aynu dib isagu noqonno, oo arrinka soo rog-rogno, markaa kaddib-na haddii la rabo in loo jawaabo, la Jawaabo. Sidaas darteed waa in shirkan dib loo dhigaa..”.

Dhawaaqa Suldaan Axmed Nuur Samaale, waxa tusbax go’ay sidiisii uu ku noqday xubnihii Salaadiinta ahaa ee Madasha iskugu yimid oo markii ay hadalkaas maqleen mid mid uga darreeray Hoolkii loogu yeedhay. Intaa kaddib, Hal oday oo Ishu qabato Madashii kumu soo hadhin waxaanay isugu biyo-shubatay Xayn iskugu jirtey dhalinyaro iyo Odayaal aan Beesha dhexdeeda Miisaan kulahayn.

Geesta kale, qorshaha abaabulkan is-asturaada ahaa, ayaa noqonayaa kii ugu adkaa ee Madaxtooyadda soo waajaha tan iyo intii ka danbeysay Hal-galkii la Magac-baxay Dabbeyshii Guntiga-dhiisha, kaasoo ahaa Dagaalkii awood kala riixashada ee badhna lagaga takhaalusay, qaarna ku fooseen kooxihii ku loollami jirey gacanku maamulka awood Madaxweynaha. Si kastaba xaalku ha u dhacee, waxa dhacdaadani marada ka feyday awooda, tamarta iyo xidhiidhka Madaxtooyaddu la leedahay Bulshaddii soo dooratay.

Docda kale, Suldaanka Guud ee Subeer Awal Suldaan Xasan, ayaa isagoo ka sii afeefanaya inay timaado dhacdadan Shalay oo kale, waxa uu xusay in maamuuska hoggaamiyayaasha dhaqanku uu xilliyaddi hore ahaa mid aan laga dabo hadal, hase-ahaatee Maanta aanay taasi jirin. Isagoo Suldaan Xasan dhacdadaas Maanta (Shalay) ku dhaa-badeeyey dardaaran adag, oo haddii Tuffi jirto uu isugu daray Habaar iyo Duco labada-ba, cidii fal-noocaas ah ku kacda. Sidoo kale, Warar Wargeyska Yoolka hellay ilo u dhuun-daloola qorshaha abaabulka, ayaa tibaaxay in hirgelinta hawlgalkani uu ahaa mid ay iska kaashadeen Gudoomiye Muuse Bixii iyo Maxamed Kaahin oo isku dhan ah, iyo sidoo kale Wasiiradda Maaliyadda iyo Madaxweynaha Somaliland oo iyana gees ah. Waxana wararku intaa ku dareen in qorshaha hawlgalkani aanu ku ekeyn Caasimadda. Balse waxa dhaqdhaaqaaqyo kuwan la mid ah laga soo sheegay Magaalooyinka Gabiley, Wajaale iyo Berbera.

 

Wargeyska Yool

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here