Madaxtooyada Oo Caydhisay Ciidanlkii ilaalada Ka Ahaa Xarunta Golaha Wakiilada Somaliland Ciidan Kalena Soo Dhoobtay

0
1132

Hargeysa, (HargeisaPress) — Xukuumada Siilaanyo ayaa Ciidamo Cusub soo dhoobtay Xarunta Golaha Baarlamanka Somaliland, iyadoo gabi ahaanba laga qaaday Ciidamadii hore ilaalada uga ahaa Xarunta.

Ciidamada Cusub ee Xukuumada Siilaanyo soo dhoobtay Xarunta Baarlamanka Somaliland ayaa hor dhac u ahaa Weerar Qaawan oo Xukuumadu la maagan tahay Golaha Wakiilada Somaliland, islamarkaana ku doonayso inay si jujuub Iyo Xoog ah Xilka kaga qaado Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somalilad ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Muddane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.

Weerarkan ay Xukuumada Siilaanyo Kula Wareegtay Golaha Baarlamanka Somaliland ayaa waxa uu ka dambeeyay Kulamo xidhiidh ah oo oo dhawrkii habeen ee u dambeeyay ka socday Aqalada Madaxtooyada iyo Aqalka Madaxweyne kuxigeenka Somaliland, kulamadaas oo lagu go’aamiyay in maalinta Sabtida ah Weerar Xilka lagaga qaadayo Gudoomiyaha Wakiilada Mudane Cabdiraxmaan Cirro, waxaaana Galabta oo Khamiis ah ay Xukuumadu bilawday diyaar garaw ay Maalinta Sabtida ah ay ugu talogashay inay kula wareegto Xarunta Golaha Wakiilada Somaliland, si ay u Cabudhiso islamarkaana ay Awood Ciidan Xilka kaga qaado Gudoomiyaha Golaha.

Golaha_Wakiilada_Somaliland

Waxaynu sugnaaba waa Maalinta Sabtida ah ee inagu soo fool leh, iyo Weerarka ay Xukuumada Siilaanyo la maagan tahay Aqalka Golaha Wakiilada Somaliland

Dhanka kalena Xogyaha Guud ee Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle,ayaa ka hadlay talaabada Xukumaddu ku bedeshay Ciidankii Ilaalada Xarunta Baarlamaanka Somaliland ee ka amar qaadan jiray Madaxda Baarlamaanka,laguna bedelay Ciidan Taliska Boolisku keenay.

Xoghayaha ayaa sheegay inaanay wax talo ah ku lahayn islamarkaana Ogayn sababta loo bedelay Ciidanka ilaalada Baarlamaanka,isagoo sheegay in Ciidanka lagu bedelay Digreeto ka soo baxday Taliyaha Booliska Somaliland.

“Waxaan Xarunta Golaha soo galay todobadii iyo badhkii (07:30) Subaxnimo,waxaan u Imid Ciidankii hore u joogay oo Baabuur lagu qaadayo,Ciidan Cusub na la keenay.Ciidankaas waxaa watay Taliyaha Saldhiga dhexe,waan waydiiyay oo waxaan idhi waar bal kaalay oo Isbedelkan ka waran,wuxuu igu yidhi waa Digreeto ka soo baxday xagga sare ee Taliska Ciidanka oo Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa Amarkaas soo bixiyay” ayuu yidhi Xogyaha Wakiilada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle Oo Horn Cabletv la hadlay.

Wararka ayaa sheegaya in Shirar Xildhibaanada Muxaafadka ah iyo Madax Xukumadda ka tirsani yeesheen lagu go’aamiyay in Gudoomiye Cirro Xilka laga xayuubiyo,iyadoo Ciidanka la bedelayna loogu gogol xaadhayo arintaasi.

 

Wixii Warar ah ee ka soo kordha la soco

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here