Madaxdhaqmeeda Koonfurta Hargaysa oo Hambalyeey Madaxweynaha Cusub ee Somaliland

0
1350

Hargeysa, (HargeisaPress) —Madax Dhaqmeedka , Sulaadiinta, Cuqaasha iyo wax garadka Koofurta Hargaysa ayaa Hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub la doortay Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Kuxigeenkiisa C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici.

Madaxdhaqmeedkan ayaa waxa ay wacad ku mareen in ay la shaqayan doonaan Dawlada cusub ee dhalatay ee Somaliland, sidoo kale waxa ay bogaadiyeen sidii quruxda badnayad ee ay u tartameen Sadexda Xisbi Qaran.

Dhanka kale waxa ay talooyin u soo jeediyeen Madaxweynaha Cusub ee la doortay Muuse Biixi Cabdi waxaanay kula taliyeen in uu Dadka iyo Dalka Cadaalad ku hogaamiyo maadamabay yidhaadeen uu mucaarid iyo muxaafidba maanta uu Madaxwene u yahay, waxana ka mid ahaa Madaxdhaqmeedka halkaa ka hadlay:-

Suldaan Aadan Faarax Cumar

Suldaan Cawil

Caaqil Cabdi Wali

Caaqil Maxamed Weerar

Caaqil  Cumar Cabdi

Caaqil Xasan Badmaax

Caaqil Cabdi Jaamac

Caaqil Abshir Yuusuf

Caaqil Caabi Caaqil Yare

Caaqil Maxamed C/laahi

Caaqil Jaamac Muuse

Caaqil C/qaadir Jaamac

Caaqil Cali C/laahi

Caaqil Rashiid C/laahi

Caaqil C/laahi Yuusuf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here