“Madaxda xisbiyadeena qaar baan weligood ka qayb gelin xuska 18-ka May”… wasiir Boos

0
1149

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo cayaaraha Somaliland Boose Mire Maxamed, ayaa ku eedeeyay madaxda xisbiyadda mucaaradka ah in aanay tixgelinin xuska maalinta qaran ee 18-ka May.

Waxaanu wasiirku sheegay in hogaamiyeyaasha xisbiyadda mucaaradka qaarkood  aanay  weligoodba marnaba ka soo qayb gelin xuska maalinta qaran ee 18-ka May.

Wasiir Boos Mire, waxa uu sheegay in madaxda xisbiyadda mucaaradka ah qaarkood marka ay soo dhawaato xuska 18-ka May in ay dalka dibadiisa u dhoofaan iyagoo doonaya in ay ka madax gataan xuska maalinta qaran.

“Xisbiyadeena qaranka qaar baan weligoodba xuska 18-ka May ka qayb gelin. Qaarkood marka ay 18-ka May soo dhawaato ayay diyaaraddo raacaan oo ay dalka ka dhoofaan.

Imika toban maalmood ayaa inaga xigta 18-kii May madaxdii xisbiyaduna way wada joogaane, waan eegaynaa siday uga soo qayb galaan”.

Geesta kale wasiirka dhalinyaradda iyo cayaaraha waxa uu eedo ay u jeediyeen mucaaradku ka difaacay madaxweynaha iyo wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha.

Waxaanu sheegay wasiir Boos Mire, in ay masuuliyiinta ka tirsan xisbiga Waddani ee madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha gudaha eedeeyanayay aanay taariikh ahaan iyo waxyaabaha ay bulshadda u soo qabteen kula tartami Karin madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha gudaha.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Maalintii dhawayd laba nin ayaa jawaabayay. Labadda nin waxay u jawaabayeen ragga halgankii soo galay, oo wadanka taariikh ku leh, oo la wada yaqaano, oo nabad-doono ah, oo qaarkood ay joogeen meel walba oo ay nabadi ka dhacday, sida Maxamed Kaahin oo kale, ayay doonayeen in ay la tartamaan.

Labadda nin ee Waddani ka tirsan (Xirsi iyo Ismaaciil Yare), ee doonayay in ay madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha gudaha la tartamaan, waxay u jeedadoodu ahayd midna madaxweynaha ayay isku beel yihiin, midna wasiirka arrimaha gudaha”.

Wasiir Boos Mire, waxa uu intaas raaciyay in sababta waxyaabahaas keenaysaa ay tahay qabyaaladda, iyadoo Ismaaciil Yare iyo Xirsi oo ka tirsan xisbiga Waddani aanu midkoodna wax taariikh ah ku lahayn halgankii dalka loo soo maray.

“Laakiin, taariikh ay kula tartamaan ma hayaan. Waxaas oo dhana qabyaaladda ayaa keenaysa. Qabyaaladda ninka taariikhda leh iyo ninka mustaqbalka leh uma baahna.

Balse nin aan taariikhda iyo halganka waxba ku lahayn ayaa qabyaaladda ku meeraysanaya”ayuu yidhi wasiirka cayaaraha Somaliland oo  maanta u waramay Eryal TV.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY