Madaxa Save The Children Iyo Wasiirka Maaliyadda Oo Xadhiga Ka Jaray Biyo gelinta Ilinta Dhexe

0
1073

Hargeysa, (HargeisaPress) —Madaxa haya’dda caalamiga ah ee Save the children ee Somaliland/Somaliya mudane Xasan Nuur Saadi iyo Wasiirka wasaaradda maaliyadda Somaliland  marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa  si wadajir ah xadhigga uga jaray mashruuc biyo ballaadhin ah  oo ay maalgalisay dawladda Jarmalku fulintiisana ay lahayd hay’adda Save the Children.

Wakiilka Save the Children u qaabilsan Somaliland mudane Mukhtaar Muxumed Xasan oo ugu horrey halkaa ka hadlay ayaa sheegay in markii hore ceelka ay qodday wasaaradda maaliyaddu, ballaadhinta, biyogelinta iyo dayactirkana ay wasaaraddu ka codsatay in hay’adda Save the children kala shaqeyso.

Isaga oo ka hadlaya Mukhtaar waxa uu yidhi “Save the Children ahaan waxaannu soo jiidnay beebka biyaha saddex kiiloomitir si magaalada loo gaadhsiiyo. Waxa aannu dhisnay taangi biyood, darar ay xooluhu ka cabbaan iyo qasabado laga dhaansado, waxa kale oo ay haayadu badashay bambadii biyahaa ku soo tuuray tangida oo lagu baddalay mid ka awood badan tii hore”

Madaxa hay’adda Save the children Xasan  Nuur Saadi ayaa sheegay in maanta degmada Illintu ay ka nasiib badantahay deegaanno kale oo aan biyo helin isla markaana ku dardaaray dadka deegaanka in ay ka faa’idaystaan.

Guddoomiyaha degmada illinta, cuqaasha, haweenka iyo abwaaniinta ayaa si weyn hay’adda save the children iyo wasiirka wasaaradda maaliyadda ugu ammaanay shaqada ay u qabteen deegaanka kuna bogaadiyey.

Ugu dambayn Wasiirka maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa sheegtay in hay’adda Save the children qayb wayn ka qaadatay gurmadkii abaaraha iyo mashaariicda horumarinta ee dalka.

Wasiirka oo arrimahaas ka hadlaysa ayaa tidhi “Intii Mukhtaar (wakiilka Somaliland) iyo Hassan (Madaxa Somaliland/Somalia) ay hay’adda la wareegeen, Somaliland dadkeeda waxtar mooyee dhib iskama ay arag. Labadaa nin waxa aynu ku bogaadinaynaa saddexdii sanno ee ay joogeen waxtar weyn bay Somaliland ka geysteen.”

Wasiirka ayaa ugu dambayn ku boorisay dadka deegaanka in soo dhaweyntii dadka biyaha la qaybsanaya u fidiyaan isla markaana ay uga faa’idaystaan beerash iyo waxsoosaar.

Save the Children waxa ay ka mid tahay hay’adaha ugu ballaadhan ee Somaliland ka hawlgala waxa aanay fulisaa mashaaric kala duwan sida Caafimaadka, biyaha, waxbarashada, farsamada gacanta, cunto qeybinta ilaalinta xuquuqda carruurta iyo kuwo, waxa aanay ka fulisaa dhammaan gobollada Somaliland.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY