Madax Dhaqameedka Oromadda Oo Kulan La Yeeshay Golaha Guurtidda Somaliland

0
1205

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Madax dhaqameed ka soo jeedda qawmiyadda Oromadda Itoobiya ayaa sheegay  in si dhakhso ah xal looga gaadhi doono colaadda  u dhaxaysa Soomaalida iyo Oromadda Itoobiya wada dega.

Madax dhaqameedkan Oromadda oo booqasho ku jooga Somaliland oo maanta kulan la yeeshay golaha Guurtidda Somaliland ayaa ku baaqay in wax laga qabanayo dagaalka ka taagan degaanka Moonyaale.

Sidoo kale madax dhaqameedkan Oromadda ka socda ayaa shalay kulan la yeeshay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Inkastoo ay u jeedadda socdaalkoodda ku sheegeen mid la xidhiidha wanaajinta xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya gaar ahaana qawmiyadda Oromadda.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here