Madax Dhaqameedka iyo Salaadiinta Beesha Bariga Hargeysa Oo Ka Hadlay Abaalku Shirka Beelaha Magaado + SAWIRRO

0
991

Hargeysa,(HargeisaPress) — Qaar ka mida Salaadiinta iyo Madax-dhaqameedka Beesha Bariga Hargeysa ayaa sheegay inaanay wax luga ku lahayn hogaankooda dhaqanka ee beeshoodu dhaqdhaqaaqa maalmihii u danbeeyey la hadal hayey ee abaabulka shir ay Beelaha Habar Magaado iskugu imanayaan isla markaasna kaga wada hadlayaan danahooda Siyaasadeed.

Salaadiintan iyo Madax-dhaqameedkan Beesha Bari Hargeysa Oo Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa waxa ka mid ahaa Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey afhayeenka Dhaqanka Somaliland Suldaan Nuur Faarax Xuseen Boqor Maxamed Nuux Aadan Suldaan C/raxmaan Cawaale Hurre Suldaan Maxamuud C/laahi Xaaji Aadan

Suldaan Mahad Maxamuud Xirsi(M.Careej,Suldaan Cali Yuusuf (bada cas) Ugaas Xuseen Geele Abokor,Boqor Faysal Cismaan Faarax Sul.Maxamed Sul.Xasan Barre. Afhayeenka Guud ee Hogaanka Dhaqanka Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiirey oo ku hadlaayey afka Salaadiinta Beesha ayaa waxa uu golaha ka cadeeyey inaanay jirin shir iyo abaabul ay og yihiin oo Habar Magaadle isagu imanaayo isagoo isla markaasna xusay inaan la majare-habaabin bulshada oo aan loo sheegin wax aan jirin

Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiirey ayaa waxa uu sidoo kale Carabka ku adkeeyey inaanay haboonayn in hab qabiilaysan oo cunsuriyadi ku jirto laysku abaabulin balse ay haboon tahay in Bulshdu Xisbiyo Qaran ayeynu leenahay waa in markaa hanaanka Dimuqraaadiyada lagu dhaqmaa isla markaana laga waantoobaa waxyaabaha qabyaalada iyo Cunsuriyada keenaaya ee Amniga iyo karaamada qaranka waxyeelaaya.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY