Macquul Maaha In Dhalinyaradu Xilal Ka Wada Hesho Dawlada Laakiin, Waa In Loo Abuuraa Mashaariic ’’

0
907

Agaasimaha waaxda maamulka ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Md. Maxamed Cismaan Dubbe, ayaa ugu baaqay xukuumadda iyo ganacsatada dalku inay shaqo abuur u sameeyaan dhalinyarada, waxaana uu sida oo kale carabka ku dhuftay in aanay macquul ahayn in dhalinyartu ay ka wada muuqato hay’addaha dawlada, sidaas awgeedna loo baahan yahay in mashaariic horumarineed loo abuuro.

Md:Maxamed Cismaan Dubbe, ayaa hadalkan ku sheegay qoraal kooban oo uu soo gaadhsiiyey wargeyska Geeska Afrika, waxaana uu u dhignaa sida tan: Qoraalkaygan kooban waxan ugu talo galay in aan ku faaqido dhowr arrimood oo aan u arko inay wacyigelin u noqon karaan dhalinyarada Somaliland. Ugu horeyn waxan ka codsanayaa xukuumadda iyo ganacasatada dalku inay u abuuraan dhalinyarada mashaariic shaqo si loo dhimo heerka shaqo la’aanta dhalinyarada oo maraya halkii ugu sareysay,  sanad walba waxa jaamacadaha dalkeena kasoo qalin jabiya dhalinyaro tiro badan. Kuwaasoo intooda ugu badan ay soo waajahdo shaqo la’aan kaddibna maciinsada tahriib. Inkastoo qaarada Afrika aynu kala simanahay heerka sareeya ee shaqo la’aanta dhalinyarada hadana waxaad moodaa in dhailnyaradeena ay ka khaldan tahay nidaamka shaqo raadiska ama inuu qofku iskii shaqo u abuuran karo ama koox koox intay isku kaashadaan ay mashruuc yar wada sameystaan. Toddobaadkan waxa an ka akhristay warbaahinta qaarkeed dhalinyaro kusoo qoray cabasho ay Madaxweynaha kaga cabanayaan in aanu dhalinyarada kasiinin saamigii ay xaqa u lahaayeen isku shaandheyntii uu xukuumadiisa ku sameeyey. Macquul maaha in dhalinyaradu xilal ka wada hesho dawlada laakiin waa in loo abuuro mashaariic  ay shaqo ha helaan. Haddii golaha wasiiradaba dhalinyaro laga wada dhigo ama Agaasimayaasha Guud ama Maareeyayaasha, intay ka noqon karaan marka la eego tirada dhalinyarada bilaa camalka ah ee dalkeena. Sidaa darteed dhalinyaradu yaanay ka cabanin xilal nalooma magacaabin laakiin ha codsadaan mashaariic  shaqo abuur  in loo sameeyo si tiro badan oo iyaga ka mid ahi shaqo u helaan.

Dhalinyarada waxaan ka codsanayaa oo kale inay ka digtoonaadaan tahriibka oo noqday aafada ugu weyn ee qaarada Afrika ku habsatay, tahriibku xal uma noqon karo dhalinyarada laakiin wuxuu sii fogaynayaa xalkii ay ka gaadhi lahaayeen dhibaatooyinka haysta.   Balwadaha ayaa iyaguna ka mid ah mushkiladaha haysta dhalinyarada ee u baahan inay ka waantoobaan dhalinyaradu. Balwaduhu waxay qofka u horseedaan dhibaatooyin caafimaad oo maskaxda iyo jidhkaba ka asiiba qofka isticmaala. Sidoo kalena ku abuura caajis iyo inuu noqdo qof ma shaqeyste ah oo shaxaad raadiya halkuu shaqo ka raadin lahaa. Ugu dambeynti, dhalinyaradu haka taxadiraan qaadashada fikradaha khaldan ee ku salaysan xagjirnimada iyo argagixisanimada.  Waayo dhalinyaranimadu waa wakhtiga qofku aanu aad uga fikirin go’aamada uu qaadanayo, oo waata maahmaahdu tidhaahda, nin yari intuu geed ka booduu talo ka boodaa. Sidaa darteed ayay iila muuqatay in aan ka waaniyo dhalinyarada fikradaha xagjirnimada ah oo diinteena islaamka aan meel ku lahayn.’’ Ayuu kusoo koobay qoraalkiisa Mr.Dubbe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here