Maayirka Gabiley Oo Tacsi U Diray Eheladii , Qaraanbadii Iyo Qaranka Somaliland Ee Uu Ka Baxay Marxuum Ibraahim Axmed Sheekh Muuse (Ibraahim Axmed Haybe)

0
1881
Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Gabiley,ahna Maayarka Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi

Hargeysa,(HargeisaPress) —Tacsi Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Gabiley,ahna Maayarka Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi isagoo ku hadlaya Magaciisa,iyo Magaca Golaha Deegaanka iyo Ka Shacabka Gabiley Wuxu Dhambaal Tacsi ah u Dirayaa Dhamaan Qoyska,Qaraabada ehelka,Shacabka Reer Gabiley iyo Qaranka Somaliland Geerida Marxuum Ibraahim Axmed Sheekh Muuse(Ibraahim Axmed Haybe),oo ku geeriyoodey Magaalada Hargeysa Waxaanu Illaahay uga baryayaa in uu Marxuumka Janaddii Fardawsa ka Waraabiyo,dhamaana Samir iyo Iimaan kasiiyo Qoyskiisa,Qaraabada iyo Qaranka Somaliland.

Waxa kale oo tacsi taa lamid ah iyaguna hawada u marinaya,dhamaan Qurba joogta kasoo jeedda Gobolka Gabiley oo kala ah

Sakariye Xasan Waceys,Axmed Cabdilaahi Khaliif, Xabiib Axmed Aw Cabdi,Aamina Aw Jaamac Muumin,Xaliimo Cabdi Obsiiye,dhamaantood waxey tacsi Tiiraalnyo leh u gudbinayaan Qoyskii Qaraabaddii iyo Ehelkii iyo Golaha Wakiilada,Xisbiga Kulmiye ee uu katirsanaa,iyo Guud ahaanba Qaranka Somaliland

Waxaaney leeyihiin illaahay janadii Fardawsa haka Waraabiyo Marxuumka Aamiin Aamiin Aamiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here