Maayirka Bali-Gubadle Oo Tahli Kariwaayey In Uu Qabto Kalfadhiyadii Caadiga Ahaa Ee Golaha Deegaanka Bali-Gubadle Iyo Sababta Keentay

0
1106

maqaalMaayirka Degmada Bali-gubadle Cabdi iimaan jaamac ayaa ku fashilmay in uu qabto kalfadhiyadii  Xildhibaanada Golaha Deegaanka Bal-gubadle tan iyo Markii loo doortay maayirka Degmadaasi  Bishii January 2013-kii.

waxaana guud ahaanba meesha ka baxay Kalfadhiyadii caadiga ahaa ee Golahaasi  yeelan jireen,Waxaana mudooyinka dambe aan si habsami ah aan u socon howlihii Dowlada hoose ee Degmadaasi ka dib markii khilaaf Ba”ani soo kala dhex galey  Maayirka iyo Mudanayaasha Golahaasi Bali-gubadle,taasina ay sababtay in ay meesha ka baxaan Kalfadhiyadii goluhu yeelan jiray iyo gabi ahaanba Howlihii ay Bulshada u igmatay Dowlada Hoose in ay u qabto.

Maayirka Degmada ayey shaqadiisu ahayd in uu Sedexdii Biloodba hal mar uu iskugu yeedho  Xildhibaanada Golahaasi in ay iskugu yimaadaan Kalfadhi

Maayirka Degmada Bali-gubadle Cabdi iimaan jaamac ayaa Kalfadhiyada Golahaasi sababta uu u qabanwaayey ay tahay isagoo ka baqa qaba in Xildhibaanada Goluhu Keenaan Mooshin isaga ka dhana oo ay xilka ka qaadaan iyo in ay la xisaabtamaan  taasina ay keentay in uu qaban waayo kalfadhiyadii Golahaasi.

 

Wariye:Maxamed Jiciir Aw Axmed

Maxamed.jiciir@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here