Maayirka Abdirahman soltelco Xildhibaano,Agaasimayaal casuumad u fidiyay Suldaanka ugu tunka wayn Saladiinta Somalida Ethopia & Somalilandba Suldan Muxiyadiin suldaan odowa

0
1476

Hargaysa-(Hargiesapress) Maayirka Abdirahman soltelco Xildhibaano,Agaasimayaal casuumad u fidiyay Suldaanka ugu tunka wayn Saladiinta Somalida Ethopia & Somalilandba Suldan Muxiyadiin suldaan odowa, Maayar Abdirahman soltelco ayaa si kal iyo laab leh usoo dhaweeyay suldaanka, wuxuuna xusay Saldanadan iyo taariikhdeedii oo ku suntanayd hogaamin wanaagsan.

 

Waxaa kulankan Maayarka wehelinayay Agaasimaha guud ee wasaarada Shaqada iyo arimaha qoyska Mohamed cilmi (Ilkacasse) wuxuu agaasimuhu xusay in Suldaan Muxiyadiin uu yahay suldaanka Salaadiinta ee ethopia dagan waxaanu ku dheeraaday aqoontiisa iyo kartidiisa inaanu ku koobnayn kaliya dhaqanka ee uu yahay aqoonyahan Double Master ah ahaana Kuxigeenkii Jaamacada Jigjiga University.

Casuumadaasi waxaa kaloo ka qayb ahaa Xildhibaan Hanad,Agaasimihii hore W/Arimaha Dibadda Mohamed Xasan siciid, Aqoonyahan Muxiyadiin Sh ismaaciil,Siyaasi Cali sh Muxumed waxaanay dhamaantood ka qayb qaateen soo dhawayntaasi.

Suldaan Muxiyadiin Suldaan Odowaa wuxuu u duceeyay Waftigaa maayar Soltelco hogaaminayay sida ay ugu soo dhaweeyeen uguna sharfeen casuumadaas.

 

Ahmedyasin Sh cumar Ahmed fure

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here