Maayarka Hargeysa Oo Walaac Ka Muujiyay Xabaalo Khatar Ugu Jira In Daad Qaado

0
880

maairka harHargeysa,(HargeisaPress) — Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) iyo xubno golihiisa degaanka ka mid ah ayaa walaac ka muujiyay Xabaalaha Boqol jire oo khatar ugu jira in daad qaado ka dib markii Laago biyo mareen ahi ku faruurmeen.

Maayarka iyo Dadweynaha Xaafadda ayaa shalay kormeer ku tagay Xabaalaha, waxaanu Maayarku bulshada ugu baaqay in loo gurmado sidii loo badbaadin lahaa Xabaalaha oo uu ku tilmaamay Hoyga Rasmiga ah ee Qof walba ku leeyahay Dhulka.

“xabaalahan oo la sheegay inay ka da’weyn yihin Hargeysa oo dad badan oo badhtamaha magalada dhisay ku jiraan, waxa galay laagihii laba laagood ayaa ku soo faruurtay oo ah ishii Cobosha oo qoladda farsamadda ka wada hadalnay sidii wax looga qaban lahaa, iyo laagta kale ee dusha ka timaada  sidii xabaalaha looga duwilahaa, hoyga rasmiga ahi waa intaa yar ee qofku ka leeyahay dhulka, dhibaato weyna way ka dhacday halkan, waxaanu lahayn dawlad hoose ahaan dhaqaalahayagu wuu yar yahay laakiin macnihii lagu dhisi lahaa ama lagu badbaadin lahaa ayaanu haynaa, macnihii iyo qalabkiiba waanu haynaa, maalinta Arbacadda ee soo socda dadka danaynayaa inay wax ka qabtaan waa inay halkan iskugu yimaadaan tobanka barqo nimo arrintaasi oo laga wada hadli doono sidii wax looga qaban lahaa, dhaqaale badan ayey u baahantahay farsmadii sidii wax looga qabanayey waxa ay sameeyeen, iyadoo dhamaystiran lagu soo bandhigo maalinta Arbacadda ah ee la iskugu imanayo  sidii xabaalahan loo badbadin lahaa”  Ayuu yidhi Maayarka Hargeysa

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here