Maayarka Berbera Oo Nus Malyuun Dollar Ku Iibiyey Barxadda Hore Ee Noobiyadda Berbera Iyo Nuqulka Asliga Ah (Original) Ee Uu Ku Fasaxay + SAWIRO

0
2005
Maayarka Berbera Cabdishakuur Maxamuux Xasan (Cidin)

Berbera, (HargeisaPress) —Maamulka Golaha deegaanka ee degmada Berbera ayaa la sheegay in ay adduun xoogan ku fasaxeen dhul dan-guud ahaa oo ka caagan in cid gaar ahi yeelato kaasi oo dheegga ku haya biyaha badda  oo sharci ahaan ay mamnuuc tahay in loo dhawaadaa. Guddoomiyaha golaha deegaanka ee degmada Berbera ahna Maayarka magaalladaasi Md. Cabdishakuur Maxamuux Xasan (Cidin) ayaa la weriyey in dhul dan guud ah oo qaranku leeyahay uu ka iibiyey mid ka mid ah ganacsadeyaasha waaweyn ee reer Somaliland, kaasi oo laga siiyey lacag ku dhaw shan boqol oo kun oo dollar. Dhulkan oo ah bogcadda Barxadda u ah halka ay ku taallo astaanta ay caanka ku tahay Berberi ee ay ka samaysan tahay Noobiyadda ay Maraakiibta ku soo xidhanaysa dekeddu soo bidhaansadaan ayaa sida ku cad dhukumentiyada iibka bogcaddani waxaa laga iibiyey Aasaaseha ahna Mulkiillaha shirkadda Dahabshiil Group Xaaji Maxamed Siciid Ducaale, kaasi oo ku iibsaday lacag dhan   $ 480,000.

Sida ka muuqata heshiiska Iibka dhulkan oo horaantii sanadkan kasoo baxay Mid kamid ah Nootaayooyinnka sharciga ah ee Berbera ka hawlgala,   kaasi oo ay labada dhinac ku kala iibsadeen dhulkan ay ku taallo Noobiyaddu   oo ah Calaamada ay soo eegtaan gaadiidka badda ee ku socda marsada Xeebta dekeda berbera. Maayarka Berbera ayaa intuu sharci u samaystay hadana ka iibiyey shirkada dahabshiil oo ku qoran yahay mulkiilaha Shirkadaha Dahabshiil Maxamed Siciid Ducaale. Waxana  uu sharciga dhulka uu iibinayo ku samaystay magaciisa (Cabdi maxamud Xasan) inta waxa dheer in uu ku damiintay hantidiisa gaarka ah.

iibiyaha waxa saxeexay Eng. Maxamud Cali hayste oo ah Agaasimaha hawlaha Guud Ee Dowlada hoose waxana lagu qoray shirkada iibinaysa oo aan ahayn wax jira taasi oo lagu magacaabay SAAFI Co.

Heshiiskan lacagta badan lagu lunsaday (480.000$) ee lagu iibiyey dhul aan xeer ahaan la sharciyayn karin waxa markhaatiyo ka ahaa heshiiskan rag aad u culus oo ah Qoor weynti iyo labeenti magaalada berbera oo ay ka mid yihiin maxamuud cabdulahi farax, Cismaan Xaaashi Yuusuf iyo Xasan Cisman Ismacil.

Sida shuruucda dhulka ee dalka u degsani ay dhigayaan waxaa mamnuuc ah in lagu xad gudbo dhulka ka caagan in la iibiyo ee u dhaw badda, sida Xeer No. 17 oo isagu dhigaya in aanu sharcigu ogolayn in biyaha badda loo jirsado cabir dhan   220M.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here