Maayar iyo Gole Degaan oo Waajibkoodii Fuliyay Qallinkii: Faysal Cumar Madar

0
1004

Mahad oo dhan ilaahay ayay u sugnaatay, Shaki kuma jiro in Sanadkan bishay uu yahay mid soo noolayn doona Rajadii laga Filayay Dhalinyarda Talada dalka Xilalka kala Duwan ka Haysa. Gaar ahaan kuwa Mayorada ka ah Qaarka Mida Magaalooyinka Dalka.

 

Waxa sharaf iyo cisi noo wada  ah anaga iyo Dhalinyarada Golaha Deegaanka ee Caasimada oo Moyar Soltelco Hormoodka u Yahay in Ay caasimada Usoo Iibiyaan Agabkii Ay kaga Haqabtirilahaayeen Wadooyinku Haboon Caasimada. Dhiiiranaanta Iyo Kalfurnaantu Waa mid Da’ayaranta iyo Aqoonta uu Moyarku leeyahay Keentay in uu u Badheedho Siduu uu dhalinyarada ugu Samayn Lahaa Taariikh ay ku Fanaan.

 

Moyar waxaad rajo galisay Cashuur Bixiyaya Yaashii iyo Dadkii Adiga iyo Golahagaba Ucodeeyay, Waxa kale oo aad dhiiri galisay Dadkii aan Cashuurta bixin jirin oo imika inta aydaan Dawalad Hoose ahaan Talaabo ka Qaadin ay Bulshadu Idiinka Horayn doonto.

 

Umaan Holan in aan Idinku Amaano Wajibkiina aad Guda teen ee waxaan Qallinka u qaatay inaan ka Qayb Noqdo Da’ddaalada Moyarka iyo Golahiisu Ugu jiraan Horumarinta Caasimada, Waxaan Jecelahay Inaan Muujiyo in aanu Idiin Ognahay inaad Halgan ugu Jirtaan inaad Mujisaan in aad Dalka iyo Dadkaba Lexejeclo u Haysaan.

 

Waxaan Tallo idiinku soo jeedinayaa: 

 

  1. Agabkaa aad Keenteen Sidii uu uga Haqabtiri lahaa Baahida u Haysa in ay Helaan Caasimad leh Wadooyin Quruxbadan iyo Caasimad Si Fudud Iskugu Socon karta.
  2. Waxa Kale oo aan kula talinayaa Mayorka iyo Golahiisaba Waxa Tariikh u noqondoonta Sida ay Maamulaan una Lexejecleeyaan Qalabkaa Ay Umada Cashuurtoodii ka Soo Iibiyeen.
  3. Waxa aad u muhiima in ay Dawlada Hoose Sameeyaan Siyaasad Cad oo oo Laga wada Qayb Qaato (Participatory System) loo Dajiyo oo Lagu Maamulo Qalabkan Dadka Rajadoodii soo Celiyay.
  4. Waa waajib In aynu Wada Ilaashano ama aynu Wada leenahay Waxa Wanaagsan ee aad Qabataan waxa Sidoo Kale Iyadna Xilsimani inaga wada saran Yahay Sidii Aynu u Wada ilaashan lahayn Tariikhda Wanaagsane Qaarkeen Soo Kordhiyaan.
  5. Waxaan idiinsoo Jeedinayaa Inaad Wadooyin Caasimada Balaadhinaya aad Qorshaysaan (Master Plan ) Markaad Kuwa Imika inaga Dayacan Aad Dhamaystirtaan
  6. Moyar ku Darsada Sanadka Cusub sidii aad u Qaban lahaydeen Shir Lagaga wada hadlayo Horumarinta Caasimada oo dhamaan Qaybaha bulshadu ka qayb gasho iyo Meel ama Hab Fudud oo talooyinka La idiinku soo Gudbinkaro

 

 

Faysal Cumar Madar

Hargeisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here