Maareeye Ku Dayasho Mudan Oo Xilkiisa Kasoo Baxay Qallinkii: Kalid H. Adan Abdi

0
1176

Mudane Ibraahim Siyaad Yoonis Waa Maareeyahii ugu wax qabadka badnaa ee soo mara wakaalada biyaha hargaysa waa nin dhalinyaro ah oo ceeb ka saliim ah sifiican u shaqeeyay intii uu xilka hayay waliba waxii loo dhiibay wanaajiyay aan musmaasuq lagu sheegin oon xilkasnimo lagu sheegin oon qabyaalada iyo reer kalkaal lagu sheegin talow maxaa lagaga qaaday ayay dadbadan is waydiinayaan fiiro gaara anigu nin dan gaara ka leh ma ihi ibraahim wax aan xilkiisaasi ugu xishana ma jirto waliba ku darsoo gurigaygu laba sano ayaan booyaduun dhaansadaa oo biyo yaridaa i saamaysay laakiin waxaa xanuun badan in qof dadaalaya la niyad jabiyo oo tacabkiisii laga dhigo hal bacaad lagu lisay dadkuna maanta waxay qofka xaqiisa uga hadli waayaan hebal baa ka xanaaqi fikirkaaga ilaahaybaa (SWT) laga cabsadaa risiqa , cisiga iyo waxkastaana ilaahaybaa haya waar ninka wanaag uga markhaati kac isagoo nool yaynaan noqon dad xabaasha dusheeda isku amaana yaynaan noqon dad ay haystaan dad gaarii yaynaan noqon dad is xaasida oo xumaanta qofka sheeg sheega oo wanaagiisa aasa hadii bulshadeena ay noqoto dad tareen saaran waxaad ogsoonaataan in qofkii laga tuuraaba uu cadow noqonaayo marka danbe ee uu soo noqdo waliba aan wax qabane waxuun cuno taasina waxay udarantay dadka danyarta ee wax qabadka jecel bal waxaad eegtaan wadamadani aynu ku dayano nidaamka iyo horimarka qof baa lagu odhanayaa wuxuu hayay jagadani sodon sano ama ugu yaraan labaatan sano wuxuuna taasi ku mutaystay in lagu abaal mariyo inuu joogo intaasi oo sanadood dadaalka iyo tacabka uu galiyay inaguna lixsano ayaan la yaabanahay aduunka lama eego shaqada intuu joogay ee waxaa la eegaa muxuu soo kordhiyay muxuu qabtay ee la taaban karaa ilaahay (SWT) waxaan uga rajaynayaa inuu miisaanka xasanaadka ugu daro waxii uu qabtay waxii uu khaldayna uu ku  saamaxo.

 

Qallinkii: Kalid H. Adan Abdi

Hargeysa,Somaliland

LEAVE A REPLY