Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Oo Sheegay in Biyaha Hargeysa laban Laabmayaan 2015-ka, Kana Hadlay Mashruuc si Gaar Ah Biyo Loogu Galinayo

0
1011

DIGITAL CAMERAHargeysa,(HargeisaPress) — Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Ibraahin Siyaad Yoonis ayaa sheegay inay Biyaha Hargeysa laban laami doonaan sanadka 2015-ka, wakhtigaasi oo ay dhamaanayaan Mashaariic hadda socda oo biyaha lagu horumarinayo. waxa uu sidoo kale ka hadlay Mashruuc 4 Milyan oo Doolar ku baxayso oo si gaar ah biyo loogu galinayo Degmada Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax.

Maareeyaha oo ka hadlayay Lacag wakaaladiisu ka heshay Sanduuqa Horumarinta Somaliland(Somaliland Development Fund) ayaa rajo fiican ka muujiyay Qorsha Mustaqbalka Biyaha Hargeysa.

“ Noloshu Waa Biyo, Biyuhuna waa Nolosha. Sidaasi darteed Hargaysa dhibaato wayn oo xagga Biyaha ah baa ka taagan, sababtoo ah, China Markuu Biyaha Hargeysa samaynayay wuxuu ugu tala galay in Biyahaas ay isticmaalaan Boqol iyo Sideetan Kun oo Qof(180,000). Maantana Tira koob Rasmi ah lama hayo, laakiin Qiyaasta Magaalada Dadka ku nooli waa Milyan iyo Jar-jar. Sidaasi darteed ayay 23-kii sano ee Somaliland jirtayba Dhibaatada biyuhu way taagnayd.” Ayuu yidhi Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa.

Maareeyaha ayaa sheegay in Mashaariic muhiim ah oo Biyaha wax lagaga qabanayaa hadda socdaan “Maanta Waxaa Illaahay Mahadii ah, inay Mashaariic muhiim ah oo ay tahay in la bar-bar istaagaa Hargeysa ka socdaan. Mashruuca ugu weyn ee Hargeysa ka socoda, Waa Mashruuca Midawga Yurub Lacagtiisa bixisay ayna fulinayso Hay’adda la yidhaahdo UN-habitat. Mashruucaas Wakhtigiisii iyo sidii loogu tala galay ayuu u socdaa.”

Maareeyaha ayaa Sharaxay Meelaha ay ku wejahan yihiin Mashaariicda Biyaha ee Lacag Sanduuqa Horumarintu ka heshay Wakaaladiisu.

“ Wejiga 1-aad Wakaaladda Biyaha Hargeysa waxay Nasiib u heshay inay Sanduuqa horumarinta Somaliland ka hesho Laba milyan iyo boqol iyo shan iyo sagaashan kun oo Dollar. Lacagtaas waxaanu ugu tala galay in si Biyaha Hargeysa u Kordhaan Degaan Biyo ku jiraan dhulkiisa hoose oo la yidhaa Hora-haadley oo ka shisheeye Geed Deeble Biyo laga soo saaro ka dibna Biyihiisa la soo gaadhsiiyo Geed Deeble. Waxaanu rajaynaynaa in Mashruucaasi oo hadda nashqadiisii dhamaatay marka uu dhamaado Maalintii uu Geed Deeble ku soo kordhiyo Saddex Boqol oo Mitir kuyuubig.” Ayuu yidhi Maareeyuhu.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Wejiga koowaad ee Mashruucan biyo lagu gaadhsiinayo Xaafadaha Ayaxa oo ay ku nool yihiin Dadka Dan yarta ah.

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa waxa uu sheegay in ka dib 2015-ka oo ay dhamaanayaan Mashruuca Midawga Yurub wado iyo Mashruuca Hora-haadlay, degmooyinka Axmed Dhagax iyo Maxamuud Haybe Biyo lagu gaadhsiin doono 4 Milyan oo Dollar oo ayisla Sanduuqa Horumarinta Somaliland kaheleen.

“2015-ka waxaanu rajaynaynaa in Biyaha Hargeysa yimaadaa Laban laabmaan. Intaasi ka dib Hargeysa way wada biyo la’dahay laakiin, way sii kala daran tahaye waxaa mudnaan noo noqday in 4 Milyan Dolar oo kale oo aanu ka helay Sanduuqa Somaliland Development Fund in Biyo lagu gaadhsiiyo laba degmo ee ugu sii daran ee Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax. Waxaanu ugu tala galay in Beebkan Jayniska ah ee Sheedaha ku yaala Toos uga yimaado uu Axmed Dhagax Toos u tago, halkaana laga sameeyo Barkad weyn oo sideed boqol oo Mitir Kuyuubig qaada, taasi oo Biyaha u qaybin doonta Xaafadda, ka dibna barkaddaasi oo kalena laga sameeyo Degmada Maxamuud Haybe oo iyana u qaybisa Xaafaddaasi Biyaha” ayuu yidhi Maareeyaha.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here