Maareeyaha Cusub Ee Madbacadda Qaranka Somaliland Oo Xilka La Wareegay

0
1060

Hargaysa (Hargeisa Press): Wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo cayaaraha jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay xilalkii u kala wareejiyay maareeyihii hore ee madbacadda qaranka Somaliland iyo maareeyaha cusub ee dhawaan loo soo magacaabay.

Munaasibadda xil wareejinta oo ka qabsoontay xarunta madbacadda qaranka ee magaaladda Hargaysa waxaa ka soo qayb galay wasiirka cayaaraha, badhasaabka gobolka Maroodijeex, saraakiil ka socday hanti dhawrka guud ee qaranka, shaqaalaha madbacadda iyo  marti sharaf kale.

Maareeyihii hore ee madbacadda qaranka Siciid Saalax Shirre, oo hadal ka jeediyay munaasibadii uu xilka ku wareejinayay ayaa sheegay in mudadii uu hayay xilka maareeyenimo uu waxyaabo badan ku soo kordhiyay.

Sidoo kale maareeyaha cusub ee madbacadda qaranka Maxamuud Raagge Ibraahim, ayaa isna tilmaamay siday uga go’an tahay sidii uu u horumarin lahaa madbacadda, isla shaqaalaha oo aan muddo 4 biloodda wax mushahara qaadan in ay si dhakhso ah ugu heli lahaayeen xaqoodda.

Geesta kae waxaa xafladaasi hadalo ka jeediyay agaasimeyaasha waaxyaha shaqaalaha iyo wax-soo-saarka ee madbacadda qaranka Somaliland oo ka warbixiyay halka ay marayso hawl qabadka shaqo ee madbacadda.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here