Maanta Oo Isniin Ah Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda

0
1084

wargaysyadaHargeisaPress — Iyadoo uu suuqa kala iibsiga ciyaartoydu bar yahan danbe xaami yahay oo ay koox kastaaba raadsanayso ciyaartoyda ay u aragto inay safkeeda wax ku soo kordhinayso ayaa waxaa jira kooxo horeba suuqa uga adeegtay iyo kuwo wali raadinaaya ciyaartoydii ay rabeen.

Kooxaha qaar ayaa umuuqda inay hamuum u qabaan suuqa halka qaarkood u baahan yihiin laba ama saddex ciyaartoy oo kaliya.Maalinba maalinta ka danbaysa waxaa loo sii dhawaanayaa waqtigii uu xidhmilahaa suuqu, waxaana sii xoogaysanaaya ciyaartoyda ay kooxuhu doonayaan .

Kooxda Chelsea ayaa doonaysa inay Real Madrid Petr Cech kaga badalato difaaceeda Raphael Varane. Real Madrid ayaa iska iibisay Diego Lopez balse waxay haystaan Casillas iyo Keylor Navas oo ay dhawaan la soo wareegeen.Mourinho ayaa aad u taageera difaaca Kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka France ee Varane wuxuuna doonayaa inuu difaaciisa ku xoojiyo./Daily Star

Kooxda Man United ayaa mar kale u soo jeeesatay inay dalab ka gudbiso daafaca kooxda Borussia Dortmund Mats Hummels kadib markii looga adkaaday saxiixa Vermaelen.Daily Star ayaa shaacisay in kooxda Man United ay dalab ka gudbinayso Mats Hummels si ay ugu qanciso kooxda ree Jarmal inay ka iibiso 25 jirka daafaca uga ciyaara.Man United ayaa horay isugu dayday inay la soo wareegto Mats Hummels lakiin kooxda Borussia ayaa ka diiday United inay ka iibiso laacib kaan taas oo keentay inay u soo jeestaan kabtankii Arsenal Vermaelen./DailyStar

Kooxda Arsenal ayaa sugi doonta ilaa maalinta ugu danbaysa suuqa kala iibsiga si ay ula soo wareegto 27 jir ka qadka dhexe uga ciyaara kooxda Real Madrid.Wargayska Sport ee ree Spain ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Arsenal ee dalka ingiriiska ay sugi doonto ilaa maalinta ugu danbaysa suuqa kala iibsiga si ay ugu qanciso Sami Khedira inuu dhimo mushaarkiisa badan.Waxaa la ogsoonyahay in tababaraha Arsenal uu aad u doonayo saxiixa Sami Khedira walow ay jiraan rag ka tirsan madaxda kooxda oo ka dayrinaya dhaawacyada badan ee laacib kaan./Sport

Kooxda Real Madrid ayaa doonaysa inay goolhaye Cech ka iibsato kooxda Chelsea iyadoo ku doonaysa lacag dhan €12.5 million. Petr Cech ayaa laga yaabaa inuu kursiga kayd Chelsea galo xili ciyaareedkan kadib markii uu amaahdii uu ku maqanaa ka soo laabtay goohaye Courtois/Daily Express

Man united ayaa dalab €70 million ah ka gudbisay Di Maria oo ay PSG sheegtay inay ka baxday saxiixiisa. Man united ayaa rabtay inay Di Maria safkeeda ku soo xoojiso kadib markii ay burbureen wada hadaladii u socday Real Madrid iyo PSG. PSG oo ayaan hore looga baran inay ciyaartoy qaali ku diido balse PSG ayaa dib uga noqotay heshiis ay ku doonaysay Di Maria waxayna tani fursad u noqotay Man United oo Iyana hore u doonaysay laacibkan ree Argentina. Ancelotti ayaa raba inuu xidigan ree Argentina iska iibiyo kadib markii uu la soo wareegay Kroos Iyo James./Express

Kooxda Liverpool ayaa soo gabagabaynaysa saxiixa difaaca kooxda Sevilla ee Moreno. Liverpool oo muddo dheer daba socotay saxiixa difaacan ayaa  loo sheegay inay heshiiskiisa dhamaystiri karaan marka uu kooxdiisa u ciyaaro kulanka adag ee dhex mari doona Real Mardrid iyo Sevilla ee Super Cupka. Liverpool ayaa doonaysa in iibka Moreno ee ah £16 million inuu qayb ka ahaado Suso kaas oo ay doonayaan in Sevilla ay Suso iyo lacag intaa ka yar ka qaadato. Dhinaca kale PSG ayaa Levezzi u sheegtay inuu iibyahay waxaana laga yaabaa liverpool oo        hore udoonaysay ay fursad fiican u tahay /Dailyr Mirro

Ibramim Afellay ayay u dhawdahay inuu ku biiro kooxda Olympiakos ee ree Greece .AAfelley ayaa tababarkii maanta ee kooxda ka maqnaa isagoo mustaqbalkiisa kala hadlaaya kooxda Barca. Olympiakos ayuu tababare u yahay Michel kaas oo tiro ciyaartoy ah kala soo wareegay horyaalka Spain. Afellay ayaa laga yaabaa inuu ka garab ciyaaro difaacii ay isku Barca ahaayeen ee Eric Abidal./Sport

Kooxda Atletico Madrid ayaa wali doonaysa saxiixa xidigoodii hore ee Fernando Torress. Atletico aayaa marnaba iska dhiibin inay dib Torres ugu soo celiso halkii uu ciyaaraha ka soo bilaabay ee Atletico. Simeone ayaa sidoo kale doonaya weerar yahanka kooxda Napoli ee Jose Cellejon./As

Kooxaha Chelsea iyo Man united ayaa ku dagaalamaya saxiixa difaaca kooxda Roma ee Mahdi Benatia.inkasta oo aysan labadan kooxood wax dalab rasmi ah ka gudbin difaacan ayay haddana si gaar ah xaaladiisa ula socdaan. Benatia ayaa xagaaga oo dhan lala xidhiidhinayay kooxaha Barcelona, Man City, Chelsea iyo Man united./ Gazzetta dello Sport

Kooxaha liverpool iyo Monaco ayaa xiiso wayn u qaba weerar yahanka kooxda Inter Milan ee Mauro Icardi. Mustaqbalka Icardi ee kooxda Inter ayuu Mugdi soo galay iyadoo labadan kooxood aad u xiisaynayaan. /Tuttosport

Napoli ayaa wali doonaysa inay dabada ka riixdo labada xidig ee khadka dhexe ee kooxaha Man united iyo Liverpool ee Fellaini iyo Lucas Leiva. Benitez ayaa doonaya inuu labadan ciyaartoy ku xoojiyo khadka dhexe ee kooxdiisa Napoli oo hadda ka mid ah kooxaha Italy kuwa ugu awooda badan./ : Corriere dello Sport

Wakiilka xidiga kooxda Fiorentina ee Juan Cuadrado ayaa u safraya England todobaadkan si uu wada hadalo ula soo qaato kooxda Man united.Man united ayaa Cuadrado ku doonaysa lacag u dhaxaysa €37.5 million – €44m./Marca

Kabtanka kooxda Arsenal ee Thomas Vermaelen ayaa ka gudbay tijaabada caafimaadka ee kooxda Barcelona. Kooxaha Barcelona iyo Arsenal ayaa jimcihii ku heshiiyay iibka Vermaelen .Barcelona ayaa iibka Vermaelen ka bixinaysa €19 million./Goal

 

Kala Soco HargeisaPress Wararkii Ugu danbeeyay Ciyaaraha

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY