Maamulka Puntland oo Eedeymo Culus U Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaliya

0
712

Garoowe (HargeisaPress)– Maamul goboleedka Puntland ayaa eedeymo culus u jeediyay dowladda federaalka Soomaaliya, iyada oo warsaxaafadeed maamulka ka soo baxay lagu sheegay inay ka wal walsanyihiin hab dhaqanka madaxda dowladda federaalka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in hab-dhaqanka madaxda dowladda uu curyaaminayo dowladnimo dalka ka hirgasha.

“Madaxda dowladda Federaalka waxay si joogta ah uga howlan yihiin burburinta dowladdaha xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya, qaadista ficilo iska horkeenaya shacabka Soomaaliya, waxna u dhimanaya midnimadooda.” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

War-saxaafadeedka ayaa inta ku daray ” Madaxda xukuumadda federaalku waxay hareermareen hab qaybsiga deeqaha caalamku ku bixiyaan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo dhismaha dowladnimo, ayagoo si badheedh ah ugu adeegsada qoondada deeqaha inay ku burburiyaan maamullada, dalkana kaga abuuraan xasillooni darro si ay u gaadhaan dano gaaban oo ku aaddan doorashooyinka 2020-2021.”

Maamulka Puntland waxaa ay dowladda federaalka ugu baaqday inay si deg deg ah u joojiyaan wax lagu sheegay ‘farogalinta qaawan ee ay ku hayaan geeddi socodka doorashooyinka Galmudug iyo Jubbaland iyo waliba falalka xasilooni darrada abuuraya ‘.

Warsaxaafadeedkan ayaa qeyb ka noqonaya qoraallo iyo hadallo is xig xigay oo ay maamulka Puntland ku dhaliilaysay dowladda federaalka Soomaaliya, mana jiro ilaa hadda warbixin ka soo baxday dowladda federaalka oo lagaga hadlay eedeymaha uga imanaya Maamulkaasi.

Hoos Ka Akhri War-saxaafadeedka Maamuulka Puntland:

Hargeisa Press.com/Garoowe Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here