Maamulka Guud Ee Wargeyska FOORE Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay Eedo Uga Yimid Afhayeenka Booliska Kana Hadlay Xaqiiqada Warbixinta Wargeyska Daabacay

0
921

Hargeysa, (HargeisaPress) –Masuuliyiinta Sare ee Wargeyska Madaxa Bannaan ee FOORE ayaa waxba kama jiraan iyo wax aan sal lahayn ku tilmaamay eedo Afhayeenka Booliska Somaliland Mudane Faysal Xiis Cilmi uu shalay warbaahinta siiyey taasi uu wargeyska Foore ku sheegay mid borobagaando iyo malo awaal bulshada u gudbiya sidoo kalena caadaystay in uu ciidamada Booliska Somaliland fadeexadeeyo mar uu daba socday warbixin wargeyska ku soo baxday cadadkiisii maalinimadii Sabtidii.

Shir jaraa’id oo ay Madaxda Wargeyska FOORE maanta ku qabteen Huteel Xaraf ee Caasimadda Hargeysa waxa ay ku sheegeen in gabi ahaanba aanay is lahayn eedda Afhayeenka Booliska Somaliland kula dul kufay Wargeyska Foore iyo xaqiiqada Warbixinta Wargeysku Bulshada u baahiyey Sabtidii.

Halkan Ka Daawo Shirka Jaraa’id ee Masuuliyiinta FOORE:

Ugu horrayn Maareeyaha Guud ee Wargeyska FOORE Md. Cabdirashiid Sheekh Cabdiwahaab Sh. Ibraahim oo shirka jaraa’id ka hadlay waxa uu sheegay in Wargeyska FOORE ku aasaasan yahay mabaadii’da iyo shuruucda waddanka u taalla oo uu la mid yahay xarumaha warbaahineed ee madaxa bannaan ee dalkeena ka dhisan, kaasi oo aan haba yaraatee cid gaar ah lagu weerarin, waxna lagaga sheegin, sumcaddoodana lagu xumayn sidoo kalena aan horeba looga baran in uu cid gaar ah dacaayado u sameeyo umadda uu u adeegaana ka war hayaan wararka dhexdhexaadka ah ee uu Bulshada u baahiyo.

“Wargeyska Foore maaha sida Afhayeenka Boolisku shalay u dhigay mid warar aan jirin oo dacaayado ah ka faafiya dawladda iyo gaar ahaan ciidanka. Taasi xaqiiqo ma aha waligeedna Wargeysku si gaar ah uma durin wax aan jirina kama sheegin Booliska Somaliland oo ah hay’ad qaran oo Milgaheeda leh balse waligii kama baaqsan kamana baaqsan doono in uu mar walba xaqiiqooyinka jira Bulshada u soo ban-dhigo, taasi oo ah shaqada uu mabda’ ahaanba u dhisan yahay isaga oo aan cidna ku xumaynayn. Akhristayaasha reer Somaliland gudo iyo dibadba waxa ay ka dharagsan yihiin warbixinnada wargeysku baahiyo oo ah kuwo dhismaha qaranka iyo danta umadda ka hadla iyada oo aan cidna loogu habranayn lana dhawrayo milgaha ay na farayso mihnadda saxaaafadeed. Kuna shaqeeyo wargeysku mabaadii’da saxaafadda xorta ah oo ay hagayso aqoon iyo xirfad saxaafadeed oo aan ku dhisnayn laab-lakac iyo dhaleecayn midna. Wargeyska FOORE waxa uu ixtiraam weyn u hayaa dhammaanba hay’adaha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahayba. Xaqiiqadu waxa weeyi in ay kala duwan tahay xogtii SONSAF ka soo baxday ee wargeysku baahiyey iyo sida Afhayeenku uga hadlay. Dacwadaha Wargeyska FOORE laga gudbiyey waxa ay ahaayeen kuwo aanu marnaba boolisku dhinac ka ahayn waligeedna aanu Boolisku dacwad ku soo oogin Wargeyska. Dacwadaha uu Afhayeenku sheegay Waxa ay dhammaantood yihiin kuwo sifo sharci ah u dhex maray jihooyin kale oo wargeyska dacwado ka gudbiyey wargeyskuna sida sharcigu dhigayo isna isku difaacay isaga oo xaqiiqooyinka xogaha uu baahiyey mar walba soo ban dhigayay, kuwaasi oo aanu boolisku marna dhinac mudduci ah ka noqon. Waxa nasiib darro ah in Afhayeenka Boolisku isku qaado wax aan shuqul isku lahayn”.

Intaa kadib waxa isna saxaafadda la wadaagay rasmi ahaan waxa ay ahayd warbixinta Boolisku ka qayliyeen, Tifaftiraha Guud ee Wargeyska FOORE Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ilkacase) waxaanu yidhi: “Afhayeenka Booliska Somaliland Mudane Faysal Xiis Cilmi  Iyo sarkaal sare oo Booliska ka tirsani waxa ay shalay warbaahinta ka eedeeyeen Wargeyska FOORE. Afhayeenku isaga oo aan haba yaraatee abbaarin nuxurka iyo dulucda ay xambaarsanayd warbixinta wargeyska ku soo baxday ayuu si guud eedaymo aanay waxba ka jirin ugu hurgufay wargeyska Foore. Warbixinta aanu daabacnay waxa soo saartay oo ay rasmi ahaan uga soo baxday Hay’adda Waddaniga ah ee SONSAF oo ah dalladda Kulmisa Ururrada Bulshada rayidka ah ee Somaliland. Warbixintan oo ka koobnayd laba nuqul (Mid Ingiriisi ah iyo Mid Soomaali ah) 13-kii Bisha ayay si rasmi ah uga soo baxday Xarunta dhexe ee Dalladda SONSAF ee magaalada Hargeysa waxaana lagu faafiyey baraha ay dalladdu ku leedahay internetka iyaga oo sidoo kale nuqulka Soomaaliga ah si rasmi ah noogu soo diray annana sidii waajigka nagu ahayd aanu u baahinay, annaga oo aan waxba ku darsan. Warbixintu waxa ay muujinaysaa doorka Ciidanka Somaliland, caqabadaha haysta ee ku gedaaman, adeegga ay bulshada u qabtaan iyo dhaliilaha ay leeyihiin ee bulshadu inta badan ka cabato iyo ugu dambayn 7 qodob oo ay ku soo gunaanadeen talo soo jeedin. Waxa ay ahayd warbixin xog-baadhis ah oo ay dalladdu ku sheegtay in ay muddo ka soo shaqaynayeen”.

Ugu dambayn Tifaftiraha Guud ee Wargeyska FOORE oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi: “Waan ka xumahay in Afhayeenka Boolisku marin habaabiyo nuxurka warbixintaasi iyo cidda soo saartay toona isaga oo aan mar kali ah ka hadal hay’adda soo saartay warbixintan iyo nuxurka ay xambaarsan tahay toona ayuu dhaleecayn iyo eedo kale oo aan meesha oolin ka hadlay. Tani waxa ay ahayd wax aan xaqiiqo ahayn. Somaliland waa dal xor ah oo dimuquraadi ah, warbaahinta madaxa bannaanina waxa ay baahinaysaa wax kasta oo aan ka hor imanayn qawaaniinta qaranka u yaalla iyada oo aan looga baqayn mid wax canaanta canaantii”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here