Maamulka Gobolka, Ka Caasimadda iyo Iskaashatadda Basaska Hargaysa Oo Heshiis Ka Gaadhay Kor U Kac Ku yimid Qiimaha Lagu Raaco Basaska

0
1055
Maamulka Gobolka, Ka Caasimadda iyo Iskaashatadda Basaska Hargaysa

Hargeysa, (HargeisaPress) —Iskaashatadda  Basaska   ka dhex shaqeeya magaaladda Hargaysa,     maamulka dawladda hoose ee Hargaysa  iyo  badhasaabka gobolka Maroodijeex  oo isku dhinac ah ayaa si wada jir ah go’aan uga gaadhay in aan la kordhin qiimaha lagu raaco basaska.

Qiimaha lagu raaco basaska ka dhex shaqeeya gudaha caasimadda Hargaysa ayaa markii hore lagu raaci jiray 1500 shillinka Somaliland ah, halka labadii maalmood ee la soo dhaafay basaska ka shaqeeya istaamadda qaarkood ay ka dhigeen 2000 shillin.

Kulan saddex geesood ahaa oo  lagaga arrinsanayay sidii kor u kaca ku yimid qiimaha lacagta lagu raaco basaska oo  ka dhacay xarunta dawladda hoose ee Hargaysa ayaa gebagebadiisii laga cadeeyay in xal laga gaadhay.

Waxaanay masuuliyiintii kulankaasi yeeshay  warbaahinta u sheegeen in ay isla qaateen in aan la kordhin  qiimihii hore  ee ay bulshadu  ku  raaci jireen basaska, iyadoo isla goobtaasi ay heshiis ku kala saeexdeen maayarka caasimadda, badhasaabka gobolka iyo guddoomiyaha iskaashatadda basaska.

Maayarka caasimadda Hargaysa C/raxmaan Soltelco,  ayaa sheegay in dhibaatadii iyo hagar daamadii shacabka ka soo gaadhay  shaqo joojintii ay basasku sameeyeen  ahayd wax aan loo dul qaadan karir, isagoo balan qaaday in aanay mar danbe dhici doonin.

Waxaanu yidhi “Shacbigeena oo ay haysato dhibaato badani,  maanta  hagar-daamadii ku dhacday waxay ahayd wax aan loo dul-qaadan Karin, in ay  mar danbe dhacdana aqbali mayno.

Intiina halkan fadhidaa waxaad tihiin masuuliyiinta iskaashatadda basleyaasha,  kuwa  idinka maqan iyo kuwiina joogaba,  go’aankaa aynu qaadanay ee ah in lagu shaqeeyo  qiimihii hore ee ahaa 1500 9kun iyo shan boqol oo shillin), ayaa lagu shaqaynayaa”.

Sidoo kale guddoomiyaha gudiga  iskaashatadda Basaska  Hargaysa  C/raxiin Maxamed Yuusuf,   ayaa cadeeyay in masuuliyiinta ururka iskaashatadda basleyaasha Hargaysa, maayarka caasimadda iyo badhasaabka gobolka Maroodijeex ay isla af-garteen in aan la kordhin qiimaha lagu raaco basaska.

“Waxaan halkan ka cadaynaa in khilaafkii maanta ka dhacay labadda istaan  uu si khaldan u dhacay, isla markaana aanu dhamaynay, iyadoo berina lagu shaqayn doonno qiimihii hore ee ahaa  1500-tii boqol” guddoomiyaha gudiga  iskaashatadda Basaska  Hargaysa  C/raxiin Maxamed Yuusuf.

 

Badhasaabka gobolka Maroodijeex  C/laahi  Jibriil Gaax-nuug (buraale),    ayaa isna halkaasi ka sheegay in ay   ka damqanayaan dhibaatadii shacabka ka soo gaadhay shaqo joojintii ay sameeyeen   derawaliinta basaska  qaar ka mid ah   ka shaqeeya istaamadda magaaladda Hargaysa, isagoo xusay in  xukuumadu ay tallaabo ka qaaday derawaliintii shaqo joojinta sameeyay.

Waxaanu yidhi “Wax aad iyo aad looga naxo ayay ahayd arrintii maanta  dhacday,  waanan ka xunahay, waanan ka wadda damqanaynaa,  anagoo u damqanayna shackayaga. Dawladu amniga iyo wixii dhibaato ah ee shacabka lagula  kaco iyadoo heegan u ah, una diyaar ah. Derawaliintii istaamadda falkaasi ku kacayna way xidhna yihiin, wixii tallaabo noocaas ah qaadana sidaas ayaa loo xidhi doonaa”.

Geesta kale  maalmihii la soo dhaafay  waxa jirtay in  arrintaasi uu ka taagnaa  khilaaf u   dhexeeyay dawladda hoose iyo iskaashatadda basaska, iyadoo  qaar ka mid ah basaska ka shaqeeya istaamadda Hargaysa ay shaqo joojin sameeyaan, taasi oo xanibaad ku keentay bulshadda.

Derawaliinta gaadiidka dadweynaha ayaa cabashadoodda ku saleeyay  sixir bararka ku dhacay maciishadda, iyagoo ku dooday in lacagta ka soo gasha shaqadda aanay daboolaynin qudral daruuriga qoysaskooda.

Sidaas darteed-na ay  lagama maarmaan ku noqotay in ay kordhiyaan qiimaha lagu raaco basaska oo markii hore ahayd 1500 shillinka Somaliland ah, halka ay hadda ka dhigeen 2000 shillin.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here