Maamulaha Guud Ee Dahabshiil Oo Kulan La Qaatay Dhallinyaro Baratay Hoggaaminta Oo Jaamacadahooda Gacan Ka Gaystey Dahabshiil

0
1361

“Waxbartaha Soomaaliyeed Ee Dadkiisa Kula Noqonaya Aqoontiisa Waxa Uu Mudan Yahay Dhiirrigelin Kasta Oo Ka Kaalmeynaysa…”- Cabdirashiid M S Ducaale

London, (HargeisaPress) —Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil Group, Cabdirashiid Maxamed Siciid ayaa waxa uu mar kale xaqiijiyey in shirkadaha Dahabshiil garab iyo gaashaan ba u yihiin bulshada Soomaalida ee ay ka soo dhex baxeen, u adeegan ee la dhaqan iyo dhiig baxaan.

Maamulaha guud ee Dahabshiil oo idaacada VOA-da uga uga warramay kulan uu la qaatay dhallinyaro baratay hoggaaminta oo jaamacadahooda uu gacan ka geystay shirkadda Dahabshiil, ayaa ugu horreyn waxa uu yidhi “Cilmiga bulshada si toos ah ugu laabanaya ee mashaakillada maanta haysta abbaaraya waa mudan yahay in la garab istaago”.

Waxa weedhahan Maamulaha Guud ka jawaabay su’aalo kooban oo Tifatire Ridwaan Xaaji Cabdiweli, oo barnaamijka isagu isku soo duway, daahinayeynayeyna uu ku weydiiyey Maamulaha kulan uu la qaatay 27 aqoonyahan oo wax ka baratay cilmiga Hoggaaminta (leadership), oo Dahabshiil gacan ka geystey.

“Ardaydaas markii u horreysey ee aannu kulanno waxa na mideeyey waxay aheyd hadafka waxbarasho ee ay sheegteen oo na soo jiitey, Cid ay yihiin iyo gobollo ay ka yimaaddeen middina muhiim nooma aheyn oo maanu xiiseyneyn keli ah yoolkooda waxbarasho ee ay ii soo bandhigeen,” ayuu yidhi Cabdirashiid

Waxa uu Cabdirashiid sheegay in ardaydaas ballanka xilligaa dhex maray uu ahaa inay iyaguna oggolaanshaha Jaamacadaha doontaan oo culeys saaraan sidii ay u aqbali lahaayeen (acceptance), shirkadduna uga taageeri laheyd dhammeystirka culluumta ay baranayeen ee saamaynta togan ku leh bulshada.

Waxaanu Maamuluhu tibaaxay in ardaydaas, marka ay soo afjaraan aqoonta ay barteen, ay bulshada kula noqon doonaan waxtar saamayn hoggaamineed ku biiriya dhinacyada amniga dhaqaalaha, siyaasadda IWM, bulshadaa aqoontoodu anfacaysaana aanay aheyn oo qudha tii dhulalka Soomaalida ee bulshada Soomaaliyeed ee tusaale ahaan, Ingiriiska ku nool lafteedu u baahan tahay wax ka kaaba ama halleelo mashaakillada badan ee ku haysta carrigan.

“Halkan aynu joogno ee Ingiriiska laftiisa waxa jira dhallinyaro badan oo xidhan, kuwo dhibaatooyin ka haystaan dhinaca sharciyada, qaar kale oo luqadda ay isku dhibban yihiin. Dhallinyaradan waxa ka mid ah qaar hore uga shaqeynayey ama hadda shaqo ka helay hay’addo dadka ka kaalmeeya dhibaatooyinka bulsho ee ku taagan. Qaar badani waddankii ayey tageen oo aqoontoodii ayey la waddaagaan,” ayuu yidhi Maamuluhu.

“Maanta qofkii aqoon leh, qofkii dedaala, qofkii karti leh ayaa wax badani u fududaanayaan, cid kalena wax tari kara,” ayuu tilmaamay Cabdirashiid.

Cabdirashiid waxa uu hoosta ka xarriiqay in dhallinyaradan Jaamacadaha ka soo baxay ee uu Dahabshiil gacanta ka siiyey inay isbeddel weyn oo loo aayo bulshada ku soo kordhin karaan meel ay tagaan ba, haba ugu horreyso bulshooyinka Soomaaliyeed ee Carriga Ingiriiska ku nool, ee dhibtu ka haysato qaybo ka mid ah dhallinyarada.

“Dhallinyaradan wax baratay, waxay tusaale u noqon karaan kummanaan kale oo arkaya in qofkii wax bartaa aanu ku dhici karin dhibaatooyinka in badan oo dhallinyarada ah hadda haysta, wax wanaagsanna ku soo kordhin karo bulshada uu ka dhashay ama ku dhaqan yahay. waxa qofka dhallinyarada ahi is tusayaa aqoonta iyo waxbarashada walaalkaa ama walaashaa sameysay maxaad ugu dayan weydey, taasoo uu fahmayo in haddii aanu sidaa yeelin noloshu ciil iyo carcaraaf iyo jeel  u horseedi doonto” ayuu yidhi Maamuluhu.

Maamulule Cabdirashiid waxa uu xusuusiyey dhegeystayaasha barnaamijka in Dahabshiil ay hal-ku-dheg u tahay: DANTA BULSHADU WAA DANTA DAHABSHIIL.

Barnaamijyada daryeelka bulshada ee guud ahaan ba shirkadaha Dahabshiil gacanta ka geystaan ama maalgelinta uu Bangigu sameeyo, waxay dhammaantood ku wajahan yihiin horumarinta kaabayaasha bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, nabadgelyada, shaqo-abuurka, Iwm. Oo dhammaantood si toos ah falgal togan ku leh nolosha qofka iyo mujtamaca ba, taasina waa mid joogto uga mid ah qorshe-sannadlaha qaybaha kala duwan ee shirkadaha Dahabshiil.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here