Ma Runbaa In Sami Khedira Uu Door Biday In Uu Ku Biiro Kooxda Chelsea?

0
1258

Sami KhediraSami Khedira ayaaa doonaya inuu suuqa xorta ugu biiro kooxda Chelsea marka uu dhameysto heshiis uu kula jiro kooxda Real Madrid ee dalka Spain. Arsenal ayey aheyd kooxda lala xidhiidhinaayey baryahan danbe intii uu suuqa kala iibsigu socday xiddiga Germany kaas oo ku fadhiya £24milyan laakiin Arsenal ayaa u heli weysay ciyaaryahankan dalabkiisa dhanka mushaarka sanadka. Daily Star ayaa sheegeysa in 27 jirkan uu u kululyahay in Chelsea uu kula biiro macalinkiisii hore Jose Mourinho oo Real Madrid tababare ugu soo ahaa,waxaana la sheegayaa in heshiis hordhac ay wada gaareen mana u saxiixi doono heshiis cusub Bernabeu. Khedira waxaa sidoo kale dooneysay Bayern Munich laakiin waxa uu doortay Chelsea oo uu si xor ah ugu biirayo.

 

Mo ali Sheikh – HargeisaPress Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here