Ma Kaga Dayan Doonaa Madaxwayne Muuse Biixi Tanaasulkuu Madaxwayne Rayaale U Samayn Jiray Soo Jeedinta Xisbiyada Mucaaradka ?

0
188

Waa hubaal in geedi socodka Dimuquraadiyada S/land soo maray marxalado kala duwan,waxayna taariikhdu ka marag kacaysaa in Madaxwayne Rayaale duufaanadii Mucaaradka ahaa ee Xisbiga Kulmiye ku kicin jiray Xukuumadii Xisbiga Udub uu kaga soo gudbay Dulqaad iyo u Tanaasul badan uu kula macaamili jiray Xisbiyadii Mucaaradka ahaa ee Kulmiye iyo Ucid,iyadoo shabakada wararka ee Hargeisapress.com idin soo gudbin doonta maalmo maalmaha ka tilmaaman oo Madaxwayne Daahir Rayaale u tanaasulay Xisbiyadii Mucaaradka ahaa ee Kulmiye iyo Ucid,waxaana xusid mudan in Madaxwayne Rayaale Maalin ku beegan 9/6/2008 u tanaasulayXisbiyada Mucaaradka ee Kulmiye iyo Ucid,isagoo ka ogolaaday dalabkii Xisbiyada Mucaaradka ee ahaa in Doorashada Madaxtooyada laga soo Hormariyo Doorashada Golayaasha Deegaanka.

Heshiishkaa Sideeda Qodob ka koobnaa ee Sadexda Xisbi Qaran iyo Komishanka Doorashooyinka kala Sexeexdeen ayaa u dhignaa sidan:-

1: In dib loo dhigo Doorashada Golaha Deegaanada oo laga soo hormariyo Doorashada Madaxtooyada.
2: In Diiwaan gelinta la siiyo wakhti ku filan oo ah sababta dib loogu dhigay Doorashada Golaha Deegaanka.
3: In Komiishanka Qaranku soo diyaariyo wakhtiga Doorashada Madaxtooyada, Diiwaangelinta kadib.
4: In Doorashada Madaxtooyadu ay ka soo hormarto 06/04/2009.
5: In Qodobada Xeerka Diiwaangelinta ee aan la jaanqaadi Karin Doorashada Madaxtooyada la laalo.
6: Haddii ay yimaadaan Duruufo lama filaan ah oo dib u dhigi kara qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada,waxa xaaladdaas wadajir uga go”aan qaadanaya Komishanka Doorashooyinka iyo Saddexda Xisbi Qaran,iyadoo Golaha Guurtidu ku  ansixin doono wakhtiga ay isla gartaan oo aan waxba lagu darin.

7: In Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaridka ahi ay yeeshaan,isku xidhnaan iyo wada tashi joogto ah.
8: In Guddi Farsamo oo Saddexda Xisbi Qaran ka noqoto guddi Joogto ah,una xilsaaran kalsooni dhiska Xukuumadda Madaxwayne Rayaale iyo Xisbiyada wada shaqeyntood.

Wakiilada Sadexda Xisbi Qaran iyo Komishanka Doorashooyinka waxaa u kala saxeexay Heshiiskii Sideeda Qodob:-

1: Xisbigii taladda hayey ee Udub waxaa u sexeexay,Madaxwayne ku Xigeenkii hore ee S/land Md Axmed Yuusuf Yaasiin.

2: Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid waxaa u sexeexay Gudoomiyaha Eng Faysal Cali Waraabe.

3 : Xisbiga Kulmiye waxaa u sexeexay Gudoomiye ku xigeedka kowaad Muuse Biixi Cabdi.

4: Gudida Doorashooyinka,waxaa u sexeexay Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka, Md Maxamed Isamaaciil Kaba-Wayne.

Mar kale,waxaa Bulshada S/land la soo daristay Cabsi badan oo ay ka qaadeen in Khilaafka iyo Muranka Siyaasadeed ee ka taagnaa qabsoomida Doorashadii Labaad ee Madaxtooyada ay ku keento in ay faraha ka baxdo Nabada S/land ku soo Caanno Maashay.

Waxayse taariikhdu ka marag kacaysaa in Madaxwayne Rayaale mar Labaad Tanaasul u sameeyay Xibiyada Mucaaradka kana ogolaaday soo jeedin Xisbigii Mucaaradka ahaa ee Kulmiye soo jeediyay oo ahayd in la kala diro Komishanka Doorashooyinka,waxaanu Madaxwayne Rayaale Tanaasulkaa ku soo gunaanaday murann iyo Khilaaf Siyaasadeed oo u dhexeeyay Xisbigii Mucaaradka ahaa ee Kulmiye iyo Xukuumadii Udub ee Rayaale hogaaminayay,waxaana xusid mudan in ay qalinka ku duugeen maalin ku beegan 27/9/2009 Xibiyadii Mucaaradka ahaa ee Kulmiye,Ucid iyo Xukuumadii Udub ee Madaxwayne Rayaale hogaaminayay Heshiis Lix Qodob ka kooban,iyadoo Dawlada Itoobiya iyo Xubno ka socday Beesha Caalamku ay Goob joog ka ahaayeen.

Heshiiskii Lixda Qodob Ka Koobnaa Ayaa U Dhignaa Sidann:-

  1. In Komishanka Doorashooyinka la bedelo.
    2. In Seerfarka dib loogu noqdo,oo ay khubaro imanaysaa dhammaystiri doonto waxa ka dhiman.
    3. Wakhtiga ay doorashadu ku suurtoobayso,waxa ka wada tashanaya Komishanka Doorashooyinka iyo Khubarada imanaysa,waana go’aan ka fog Siyaasadda oo ah go’aan farsamo.
    4. In Wada Jir loo wada shaqeeyo.
    5. In Doorashoyinkan iyo kuwa dambe ee soo socda lagu galo Diiwaangelin.
    6. In Saddexda Xisbi soo saaraan go’aan wada jir ah,marka lagu heshiiyo qodoban, si loo amba-qaado hawshii doorashada.

Iyadoo Heshiiskaa Lixda Qodob ka koobnaa lagu soo Afjaray murankii Siyaasadeed ee dallka ka taagnaa,waxaase iswaydiin mudan.Ma Kaga Dayan Doonaa Madaxwayne Muuse Biixi Tanaasulkuu Madaxwayne Rayaale Ku Qaabili Jiray Xisbiyada Mucaaradka ?

HargeisaPress

LEAVE A REPLY