“Ma jirto saamayn uu Somaliland ku yeelanayo khilaafka Guinea iyo Soomaaliya”…

0
1115

London (Hargeisa Press.com): Dawlada boqortooyadda Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday in khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo dalka Guinea aanay wax saamayn ah ku yeelan doonin Jamhuuriyadda Somaliland.

Fadhi Baarlamaanka Ingiriisku yeeshay Isniintii doraad ayaa xildhibaan Liz Mclnness, oo ka tirsan xisbiga mucaaradka, si dhawna u taageerta Qadiyada madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland su’aal ku weydiisay xukuumada qiimaynta ay ku sameeyeen khilaafka dublamaasiyadeed ee dawladda   Soomaliya iyo Guinea.

Waxaanay sheegtay in dawladda Ingiriisku ay xog ogaal u tahay arrintaasi  iyo saamaynta khilaafkaasi ku yeelan karo Somaliland.

Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga Harriet Baldwin oo ka jawaabaysay su’aashaasi ayaa tidhi, “Ingiriisku xog ogaal ayuu u yahay khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo Guinea. Labada wadan, iyagaa masuul ka ah xidhiidhkooda iskaashi”.

Mrs. Baldwin,  waxa kaloo ay sheegtay in aanu jirin haba yaraatee wax saamayn ah oo khilaafka Soomaaliya iyo Guinea ku yeelanayo Somaliland.

“Ma garanayno khilaafka Soomaaliya iyo Guinea saamayn uu ku yeelanayo Somaliland. Siyaasada Ingiriisku weli waxay tahay in Jamhuuriyadda Somaliland iyo federaalka Soomaaliya xal waarra ka gaadhaan xidhiidhkooda mustaqbalka.

Waxaannu sii wadi doonaa taageerada iyo dhiirigelinta qorsheyaasha wada hadal nabdoon oo labada dhinac ay yeeshaan”ayay tidhi Mrs. Harriet Baldwin, wasiiru-dawlaha Arrimaha dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga  ee Britain.

Dhinaca kale sida laga wada war qabo waxaa xidhiidhka dawladaha Guinea iyo Soomaaliya ayaa xumaaday kadib markii dawladda federaalka Soomaaliya ay sheegtay in ay xidhiidhkii diblomaasiyadeed u jartay wadankaasi.

Tallaabadaas ay Soomaaliya xidhiidhka ugu jartay Guinea ayaa ka dhalatay kadib markii wadankaasi galbeedka Afrika ku yaalaa uu si weyn u soo dhaweeyay madaxweynaha iyo wefti uu hogaaminayo oo bishii hore booqasho ku tegay.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY