Ma Dhabaa In Maareeyaha TV Ga Qaranka Diiday In Wariye Loo Sameeyo Deegaamda Bariga somaliland Oo Ay Ka Midka Tahay Degmada Qoryaale Ee Gobolka Togdheer Oo Aan Lahayn Wax Wariya ?

0
1027

maqaalWaxaa soo Shaacbaxaaya in manaulka guud ee tvga qaranka Somaliand diiday gabi ahaanba in wax Wariye ah loo sameeyo Degmada qoryaale oo hada ku talaabsatay horumar dhinac walba leh.

Degmada qoryaale ee gobolka togdheer ayaa xukunta deegmada howdka ku yaala badan kooda Iyo Kuwa laamiga raacsan.
Deegaamada hoos Taga Degmada qoryaale ayaa waxaa ka mid ah ina afmadoobe gaataama warcibraan Iyo dhamaan hawdka Bali Waynta gobolka together.
Degmada qoryaale ayaa waxaa ay leedahay iskuulo hoose dhexe Iyo mid sare waxaana wax ka barta Arday gaadhaysa 1000.
Degmada Qoryaale ayaa loo diiday in Wariye laga hawl galiyo waxaana sidaa sheegay qaar kaMida masuuliyiinta TV ga qaranka gobolka togdheer oo ay arinkan ku eedeyeen mareeyaha TV khadar Cali gaas Iyo masuuliyiinta kale ee TV ga qaranka oo fadhigoodu yahay Hargeysa.


Deegmada Qoryaale Iyo dhamaan degaamada Bariga somalida ayaa laga Dhaariyay wax warbaahin ah oo ka hawl gasha waxaan tani kaMid tahay caqabadaha haysta Bariga Somaliland oo aad moodoIn aanu somalilad ka mid ahayn sida loola dhaqmo 23 Sano ee la soo dhaafay.

Hadaba waxaa TV ga qaranka Iyo masuuliyiinta looga baahan yahay Inay si degdeg ah wax Uga qabtaan cabashada dadwaynaha ku dhaqan Degmada Qoryaale una sameeyaan Wariye u gaara oo ka soo warama.

 
Wariye Maxmed Xasan
Burco/Somaliand

LEAVE A REPLY