Ma Dhaba Gudoomiyaha Wakiilada Somaliland Ahna Gudoomiyaha Wadani Oo Codsaday In Golaha Wakiilada Loo Kordhiyo 5 Sano Oo Kale ?

0
1153

Gudoomiyaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Ciro

Hargeysa,(HargeisaPress) — Gudoomiyaha golaha wakiilada somaliland cabdiraxmaan maxamed cabdilaahi (ciro) ayaa ka codsaday golaha guurtida somaliland in mudo 5 sano ah loo kordhiyo madaama aan la wada qaban karin laba doorasho oo dalka isku mar ka dhacda.
Gudoomiyaha golaha wakiilada ahna gudoomiyaha xisbiga wadani mudane cabdiraxmaan ciro ayaa sheegay in aanay suura gal noqon doonon laba doorasho oo isku mar la qabto inay wadkanka ka dhacdo madaama sanadka danbe ee inagu soo foodka lehi dhici doonto doorashadii madaxtooyada somaliland iyo golaha wakiilada oo isna wakhtigiisi gabaabsi yahay wax yarina ka hadhsan yihiin.
sida ay Shabakada Wararka ee Hargeisapress.com u xaqiijiyeen ila-wareedyo Xog-ogaal u ah gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Cirro.
Hore ayaa golaha Wakiilada Somaliland loogu korfhiyay 5 sano oo dheeraad ah waxaanu hada naawilayaan in 5 sano oo kale qalinka loogu duugo si uu doorashada madaxtinimada ugu diyaar garoobo madaama uu yahay gudoomiyaha xisbiga wadani.
Ilaa hada lama oga inay arinkan ka soo yeedhay gudoomiyaha ee mudo kardhina ah golaha guurtida Somaliland aqbali doonaan iyo xkumaduba.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY