Ma Dhaba Axmed Cabdi Xaabsadde Oo Tagay Garoowe inuu mar kale Ka Qabanayo Xil

0
1088

Axmed Cabdi XaabsaddeHargeysa (HargeisaPress) — La Taliyihii Madaxweynaha Somaliland ee arrimaha doorashooyinka Axmed  Cabdi Xaabsadde, ayaa  la soo weriyay inuu galabta galay xarunta maamul-goboleedka Puntland ee Garoowe, ka dib markii uu dib uga laabtay qaddiyadda gooni isku taaga Somaliland oo uu dhawrkii sanadood ee la soo dhaafay uu aaminsanaa.

Mr. Xaabsade ayaa la sheegay inuu galabta galay Garoowe, ka dib markii uu ka soo kicitimay magaaladda Jig-jiga ee dawlad-deegaanka Soomaalida  Itoobiya, waxaana la sheegay in muddooyinkii u dambeeyay oo uu ku sugnaa magaaladda Jig-jiga ay u socdeen wada hadallo iyo cilaaqaad ku saabsan inuu Puntland ku biiro, ka dib markii uu ka biyo diiday dawladda Somaliland oo uu la Taliye Madaxweyne ka ahaa isla markaana uu ka soo qabtay xilalka Wasiirnimo oo kala ahaa Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyaynta.

Sida ay ilo xog ogaal oo ku sugan Garoowe HargeisaPress.com u sheegeen  in maamulka Madaxweyne Cabdi-weli Gaas ee Puntland ay Axmed Cabdi Xaabsade ka wada hadleen sidii loo magacaabi lahaa mansab Wasiirnimo.

Xaabsadde oo dhawaan siiyay waraysi qaar ka mid ah wargeysyadda ka soo baxa caasimadda Somaliland ee Hargeysa uu ku sheegay in uu isku qoomamaynayo talaabadii uu Somaliland kala shaqeeyay in magaaladda Laascaanood u soo gacan gasho Somaliland, waxaanu xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyay inaanay kala tashan arrimaha la xidhiidha Gobolka Sool.

Waa markii labaad ee Axmed Cabdi Xaabsade uu ka tago Somaliland, isagoo sannadkii 1997 ka tagay Somaliland ka dib markii loo dooran waayay jagada Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda oo uu hayay sanadihii 1993-kii illaa 1996-kii.

 

La Soco Wararka ka soo Kordha…

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here